Dongorayo(pp) Wali waxaa degmada Dongorayo oo ka tirsan Gobalka Nugaal ka socda gurmadka loogu jiro qoysaskii ku tabaaloobay roobabkii duufaanta watay ee todobaadkii hore ka da’ay Gobalka Nugaal,iyadoona magalada lagu arkayay hay’addo iyo gaadiid faro badan oo gurmadka sida.
Duqa Degmada Cabdiqaadir Siciid Cabdiraxmaan oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay tan iyo maalintii ay duufaantu bilaabatay inaysan harsan,isla markasna ay dadaal xoogan ugu jireen sidii loo bad baadin lahaa qoysaska reer guuraaga ah ee duufaantu wax yeelaysay,wuxuna sheegay magalada oo laga dhigay xarunta gurmadka in lasoo gaarsiiyay deeq kala duwan oo gobaladda Puntland iyo dowladda ka yimi.
Waxa uu sheegay inay saamayn xoogan ku yeelatay magaalooyinka Puntland duufaantii dhacday,maadama lagu tiirsan yahay buu yiri cadka iyo caanaha ka yimaada reer miyiga,wuxuna sheegay magalada Dongorayo inay aad u taabatay arrintaasi.
Umadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka qayb gallaan gurmadka loogu jiro-samata bixinta walaalaha tabaalaysan.
Marka laga tago gurmadka shacabka iyo dowladda Puntland ka yimi waxaa sidoo kale Pl deeq soo gaarsiiyay dowladdaha Jabuuti iyo Itoobiya,halka Dalka Kuwait-na uu ku deeqay lacag gaaraysa 3-milyan,waxaase xasuusin mudan in wadanka Qatar gaar ahaan magalada Doha ay ka socota barnaamij gurmad loogu aruurinayo qoysaska cayroobay kaasoo ilaa iyo hadda deeqda lagu sheegay inay marayso 25-milyan oo lacagta Qadar ah,waxana wadaaga Puntland iyo wadanka Filipiin oo dhowaani ay ka dhacday masiibo ka darran tan Puntland.
Puntlandpost.com
Dongorayo/Nugaal