Garowe(pp) Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud Qaramadda Midoobey Nichalos Key ayaa lagu wadaa maanta inuu soo gaaro magalada Garowe xarunta Dowladda Puntland.
Sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole,balse warar soo baxaya ayaa sheegaya ujeedada socdaalkiisa inay la xariirto labo arrimood oo kale ah in umadda Puntland uga tacsiyadeeyo masiibadda ku habsatay qoysasy reer guuraa ah iyo in la isla-meel dhigo khilaaf soo kala dhex galay wasaaradda qorshaynta iyo Hay’adda UNOCHA iyo UNICEF.
Warar intaasi ka baxsan oo si hufan u cadayn kara khilaafka hay’addaan iyo dowladda soo kala dhexgalay ma jirto,balse waxaa la sheegayaa Hay’adda UN-OCHA oo QM u qaabilsan gargaarka Deg deg ah inaysan ka qayb galin samata-bixinta qoysaskii ku cayroobay duufaantii todobaadkii hore ka dhacday Puntland.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe