Garowe(pp) Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa maanta kaga dhawaaqay magalada Garowe inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimadda xafiiska madaxtooaydda sanadka danbe bilowgiisa,ka dib munaasibad uu ku qabtay hoolka shirarka Jaamacadda PSU.
Munaasibada uu qabtay musharaxasi ayaa waxaa kasoo qayb galay dad-wayne aad u faro badan oo rag iyo dumar-ba iskugu jira,Odayaal,xildhibaano hore iyo dad magac leh,waxana laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo lagu muujinayo musharax Maxamed Cabdinuur taageeradda loo hayo.
Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ka mid ah siyaasiyiinta xilka madaxtinimadda Puntland isku soo taagay 2009-kii ayaa maanta khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu yahay shaqsi madaxwayne raadis ah,wuxuna sheegay inuu wax badan ka qaban doono arrimaha ay bulshadda Puntland u baahan yihiin sida hormarka,ammaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxa uu sheegay inay muhiim tahay sidii looga guuri lahaa nidaamka qabiilka oo Puntland lagu soo dhaqayay 15-sano,kaasoo dulmiyay qabiilo badan oo Puntland degan,wuxuna sheegay inuu xooga saari doono sidii loo dhiiri galin lahaa dadajinta nidaamka axsaabta badan oo fursad balaaran u siinaya dadka siyaasadda xiisaynaya.
Musharaxa ayaa sheegay inuu xooga saari doono sidii loola dagaalami lahaa Musuq-maasuqa iyo eexda iska markasna awood madax banaan loo siin lahaa hay’addaha dowlada si ay howshooda u qabsadaan.
Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqan oo xaflada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay barnaamijka uu wato musharax Maxamed Cabdinuur waxayna ku tilmaameen inuu yahay shaqsi xilkaasi u qalma.
Waa musharaxii afaraad oo Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay xil raadis madaxwayne,taasoo qayb ka ah dagaalka loogu jiro qabashada xafiiska madaxtooyadda Puntland.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe