Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Ajaanibtii Garowe lagu xiray oo la sheegay inay xog ka hayeen weerarkii lagu qaaday Xabsiga Bosaaso(Xog muhiim ah )

$
0
0

Garowe(pp) Labadii nin ee ay dowladda Puntland dhowaan ku xirtay magalada Garowe una dhashay wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska isla markasna lagu tuhmay inay yihiin Jawaasiis ayaa la ogaaday inay war bixin ka qoraan in Garowe iyo Bosaaso kooxda alshabab ka fulin doonan qaraxyo amniga iyo horumarka lagu carqaladaynayo.

osi7(1)(1)
Tuhun-sanayaashan Ajaanibta ah ayaa war bixin ay ku sheegayaan in qaraxyo kooxda alshabab ka fulin rabaan Garowe iyo Bosaaso ka qoraan 14-ka Bishii Augusta ee sanadkan 2013-.iyadoona bishaan aan ku jirto weerar hubaysan kooxda alshabab ku qaaadeen xabsiga Bosaaso halkaasoo dhimashi iyo dhaawac-ba ay ka gaysteen.
osi3Raggan la tuhmay ayay dowladda Puntland ku sheegtay inay yihiin jaajuusiin Puntland ka qorayay war bixino ka dhan ah,sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka Amniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan,balse dowladdu kama war hayn ilaa bisha ay wax ka qoraan iyo weerarka xiliga uu dhacay.
Waxaa socda baaritaano addeg oo raggan lagu hayo,sida ay muujinayso sawirro la helayna waxay wateen dhagaxyo ay Pl ka gurtaan iyo agabyadda dagaalka.
Ragg kale oo Somalia ah ayaa la xiran labadaan nin ee cadaan ka ah,kuwaasoo la sheegay inay arrintan kala shaqaynayeen.
Hoos ka Akhriso war bixinta ay ka qoraan weerarkii Bosaaso alshabab ku qaadan inta uuusan dhicin.

OVERSIGHT INTERNATIONAL THREAR ALERT
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>