Garowe(pp) Wasaaradda waxbarashada Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta kulan sagootin ah u qabatay arday 50-kor u dhaafaya oo deeq waxbarasho ka helay dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya(DDSI) kuwaasoo iskugu jira wiilal iyo gabdho.
Kulanka sagootinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada iyo qunsulka Itoobiya u qaabilsan ee Puntland,waxana laga soo jeediyay khudbado dardaaran iyo dhiiri galin u badan.
Wasiirka waxbarashadda Puntland Cabdi Faarax Siciid oo ardayda la hadlayay ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wanaagsan looga faa’iidaysto deeqda waxbarasho oo laga helay wadanka Itoobiya,wuxuna sheegay ardayda la sagootiyay inay qayb ka yihiin 800-oo arday oo deeq waxbarash oo dibada ah loo halay,taasoo afartii sano ee lasoo dhaafay u aadayay waxbarasho Itoobiya.
Juxa ayaa sheegay sanooyinkii lasoo dhaafay inay xooga saareen sidii ardayda kaalmaha hore ka gasha dugsiyadda sare loogu heli lahaa deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah wuxuna sheegay 800.oo arday inay waxbarasho dibada ah u direen halka jaamacaddaha gudahana loo helay 700-oo arday,wuxuna ugu danbayntii kula dardaarmay inay fursadaan qaaliga ah ka faa’iidaystaan oo ay u samraan inta lagu jiro barashadda daruusta iyo aqoonta.
Qunsulka Itoobiya ee Puntland oo ardayda la hadlay ayaa kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadan ay helaan,wuxuna sheegay dowladda Itoobiya inay ka go’an tahay sidii dadka Soomaaliyeed loo caawin lahaa siiba shacabka Puntland.
Ardayda maanta loo diray Itoobiya gaar ahaan dhulka kilka-shanaad ayaa waxay noqonaysaa ardaydii ugu danbaysay oo deeq waxbarasho oo dibada ah loo diro.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe