Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaaso:Culimadii iyo Waxgaradkii soo arkay deegaanadii ay duufaantu halakaysay oo ka war bixiyay(sawirro)

$
0
0

Bosaaso(pp) Culimadii iyo waxgaradkii dhowaan booqday qaar ka mid ah deegaanadii ay saamaynta xun ku yeelatay duufaantii dhacday ayaa kulan ay magalada Bosaaso ku qabteen kaga war bixiyay waxyaabaha ay soo arkeen iyo daruufta ka muuqatay qoysaska cayroobay.

Waxaa ugu horeyn si-qoto dheer uga hadley Xaaladihii kala gadisnaa ay kusoo arkeen Deegaanadii ay Masiibadu ka dhacdey, Sheekha Daahir, waxa uu sheegey inuu arkey xoolo aad u badan oo bakhtiyay iyo dadkii reer-baadiyaha oo ceyroobay, Sheekha, oo ay ka muuqato dareen murugo-xambaarsan ayaa hadalkiisa kusoo gaabshey, Dadka haloo gurmado.

Waxaa isna goobta ka hadley, General Cali Ismaaciil, oo kamid ah Shakhsiyaadka sida weyn looga yaqaan Soomaaliya iyo dalalka caalamka, waxa uu ka warbixiyay khasaarihii uu soo arkey, isagoo ku dheeraadey khasaaraha inta uu gaarey iyo sida Ummadii halkaa joogtey ugu baahnaayeen in loosoo gurmado

Ugu danbeyn Gen Cali, ayaa Ummada khayrka jecal ka codsadey in dadkii cayroobay xoolo loogu iiban lahaa,dibna loogu cesho baadiyaha oo aan Xeryo Qaxooti loo sameyn taas oo dhalin karta khatar nololeed.

Waxaa isna goobta ka hadley, Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga, Maxamed Caydiid, isagoo amaaney Ganacsatada sida ay isu garab-taageen dadkii ku hanti waayay Masiibadii dhacdey, waxana uu codsadey in dadkaas dib loogu iibiyo xoolihii ay waayeen.

Sakariye Isticmaar, oo isna kamid ahaa dadkii sida weyn uga shaqeeyay abaabulka mashruuca taakuleynta, ayaa si-weyn u amaaney Qurbajoogta Puntland iyo Soomaalida, waxana uu sheegey iney kasoo baxeen kaalin-weyn, isagoo hadalkiisa sii-wata waxa uu yiri, waxaan ka codsanayaa Qurbajoogta Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland iney sameeyaan kulamo iyo shirar lacago loogu aruurinayo Dadkii ku hanti waayay Masiibadii dhacdey, isagoo si-gaar ah u tilmaamey Taageerada Ganacsatada Reer Puntland ee Africa joogta.

Ugu daneyn Sheekh Axmed Yuusuf Daad, ayaa u duceeyay dadkii Sadaqeystay maalkooda,wakhtigooda, waxana uu Sheekhu aad ugu duceeyay Dumarka Soomaaliyeed oo soo direy dhaqaale xoog leh.

culimo bosaaso culimo bosaaso1 culimo bosaaso2 culimo bosaaso3 culimo bosaaso4

Puntlandpost.com
Xafiska Bosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>