Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho:Gudoomiye KMG ah oo loo magacaabay bangiga dhexe ee Somalia

$
0
0

Muqdisho(pp) Madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Gudoomiye KMG ah u magacaabay Bangiga dhexe ee dalka oo mudo ka badan 30-cisho aan la ahayn wax hogaan sarae ah.

Bankiga_Dhexe_Kormeer_Saacid_2

Bangiga dhexe

Bashiir Ciise Cali oo marar kala duwan soo noqday gudoomiyaha bangiga dhexe ayaa loo magacaabay inuu noqdo hogaamiye KMG ah oo shaqadda bangiga sii kala maamula inta hogaan saxan oo suuban laga soo magacaabayo,Bashiir ayaa dowladdihii KMG ahaa ee Cabdilaahi Yuusuf iyo Shiikh Shariif Gudoomiye kasoo noqday bangiga waana shaqsi dhalasho ahaan kasoo jeeda Puntland.

Cabdisalaam_hadliye

Cabdisalaan Hadiye

Waxaa xilka sida KMG ah loogu soo magacaabay bangiga horay isaga caslay Cabdisalaan Cumar hadiye oo sheegay inuu shaqada uga tagay eedaymo kala duwan oo soo wajahay iyo cadaadis uu kula kulmay ragg ka agdhow madaxwaynaha Somalia oo kula taliyay inuu u fududeeyo dano gaar ah oo ay markaasi bangiga ka lahaayeen.

Sidoo kale waxaa xilkaasi markii ugu horaysay loosoo magacaabay qof dumar ah magaceeda la yiraahdo Yusur Abraar balse kolkii danbe is-casishay markii ay u adkaysan wayday dad dano gaar ah leh oo doonaya in musuq-maasuq baahsan laga dhex abuuro bangiga inta ay joogto,waxayna arrintaan kusoo aadaysaa xili dowladda Somalia howlihii looga fadhiyay badankood aysan wali qabsoomin.

Maalinkii shalay madaxwaynaha Somalia ayaa kulan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah safiiradda dalalka Yurub ee Somalia iyo wakiilka Midowga Yurub ee dalka,waxana Xasan Shiikh Maxamuud lagu cadaadiyay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacaabo gudoomiye mamulada howsha bangiga dhexe.

Yusur Abrar

Yusur Abrar

Balse ilaa iyo hadda dowladdu kama aysan war bixin sababta ku kaliftay Yusur Abraar inay xilkaasi uga tagto,taasoo dhalisay in beesha caalamku ay shaki badan ka muujiyaan dowladda uu madaxwaynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>