Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho:Dalalka Deeqaha bixiya oo Madaxwaynaha DF wax ka waydiiyay is-casilaadii Yusur Abraar iyo Mooshinka RW.Saacid

$
0
0

Muqdisho(pp) Madaxwaynaha dowladda federaalka ah ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan aan waxbadan laga ogayn garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula qaatay qaar ka mid ah safiiradda dalalka deeqaha bixiya iyo saraakiil ka socda hay’addaha ka shaqeeya dhaqaalaha caalamka.

Xasan ShiikhMadaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka war bixiyay xaalada Bandhiga dhexe ee dalka oo ilaa iyo hada aan wax Gudoomiye ah loo magacaabin tan iyo markii ay iska-casishay Yusur Abraar oo warqadii shaqo ka tagista usoo dirtay Xasan Shiikh Maxamuud,wuxuna sidoo kale sheegay dhanka dardargalinta howlaha maaliyadda iyo la socodka xaalada bangiga dhexe inuu yahay mid aad u sareeya.

Labada dhinac ayaa isla gartay in si deg deg ah Bangiga dhexe loogu soo magacaabo gudomiye KMG ah si howsha baaxada leh loo qabto maadama ilaa iyo hada aan la garan karin sababta ay Yusuf Abraar oo shaqadaasi haysay wax yar uga tagtay.

Madaxwaynaha Somalia ayay safiiraddu wax ka waydiiyeen mooshinka ka dhanka ah xukumadda Ra’iisulwasaare Saacidi,wuxuna sheegay baarlamaanku inay xaq u lee yihiin inay xukumadda mooshin ka keenaan oo ay ku sheegeen in shaqadii looga fadhiyay uusan waxba ka hirgalin.

Wasiirka maaliyadda xukumadda Somalia  Maxamuud Xasan Suleymaan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay kulanka inuu ahaa mid kusoo dhamaaday is-afgarad isla markasna la isla meel dhigay qodobadii laga wada hadlay.

Wasiirku wuu ka gaabsaday inuu tafaashiil dheeraad ah saxaafadda ka siiyo waxyaabaha sda rasmiga ah looga wada hadlay.

Waa kulankii labaad ay wafdi ka socda beesha caalamka magalada Muqdisho kula yeeshaan madaxwanaha Somalia,wuxuna kusoo aadayaa xili khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Xasan Shiikh iyo Ra’iisulwasaare Saacid uu sii xumaaday isla markasna Baarlamaanku uu yaalo mooshin ka dhan ah Saacid.

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>