Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaso:Shirweyne ay yeesheen beelaha Axmed Harti oo qodobo lagasoo saaray (sawirro&Dhegaysi)

$
0
0

Boosaaso(PP): Shirweyne loogu magacdaray Himilo oo soconayay muddo labo cisho ah ayaa magaalada Boosaaso ugusoo gabagaboobay Beelaha Axmed Harti (moor Case) oo kamid ah beelaha dega Gobalka Bari, waxaana shirkani kaqaybgalay waxgaradka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qurba joogta beelaha Axmed Harti.

Muddadii uu socday shirkani ayaa waxaa lagu lafaguray sidii loo xoojinlahaa adkaynta nabadgelyada iyo horumarinta deegaanada beelaha Axmed Harti, waxaana gabagabadii lagasoo saaray shan qodob oo udub dhexaad u ah sababihii keentay in laqabto shirweynahani.

Nabadoon Cabduqadir Axmed ibraahim

Nabadoon Cabduqaadir Axmed Ibraahim (xarago) oo kamid ah waxgaradka beesha ayaa madasha shirka kasoo jeediyay qodobada kasoo baxay shirka, waxayna udhignaayeen sidatan:

1- in midnimada beelaha Axmed Harti ay tahay muqadas lama taabtaan ah.

2- in wacyigelin laga sameeyo deegaanada beelaha Axmed Harti sida Nabada, Nabaad guurka, Tahriibta iyo dhibaato kasta oo bulshada soo foodsaari karta.

3- in guddiga beelaha ay sii laba jibaaraan hawlihii loo igmaday.

4- Waxaa la go,aamiyay in laqabto shirweyne ay kasoo qaybgalaan dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan dal iyo dibadba horaanta sanadka 2014-ka.

Dhamaan kasoo qaybgalaysha shirweyanaha ayaa aad usoo dhoweeyay qodabada kasoo baxay shirkaan ay yeesheen beelaha Axmed Harti (Moor Case), waxaana waxgaradka iyo qaybihii kale ee kahadlay shirka ay sheegeen inqodabada lagasoo saaray shirka y yihiin kuwo wax ku ool ah.

sawir 17

Dadka kaqaybgalay shirka ayaa sidoo kale tacsi udiray dadkii ku geeriyooday duufaantii ku dhufatay deegaano kmid ah Puntland, waxaana ay ku baaqeen in loo gurmado dadka iminka ay haysato dhibaatadi kasoo gaartay musiibada rabaaniga ah ee soo foodsaartay.

Shirkaan ayaa lafilayaa inuu horseedi doono shirar kale oo ay isguyimaadaan bulshada kasoo jeeda beelaha Axmed Harti, waxaana shirka lagu iclaamiyay in laqaban doono shir kan kaballaran oo ay isugu yimaadaan qaybaha kala duwan ee bulshada beelaha Axmed Harti.

Hoos ka akhriso Baaq lagasoo saaray Shirka

baaqa lagasoo saaray shirka

sawir 2 sawir 3 sawir 4 sawir 5 sawir 6 sawir 7 sawir 8 sawir 9 sawir 10 sawir 11 sawir 12 sawir 13 sawir 14 sawir 15 sawir 16 sawir 17 sawir 18 sawir 19 sawir 20 sawir 21 sawir

Puntlandpost.com

xafiiska Boosaso

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>