Puntlandpost oo weli ku jirta Saadaasha shaqsiyaadka loo malayn karo in ay ku guulaysan karaan hogaanka Puntland Bisha Janaayo 8.1. 2014-ka ayaa Poll-kii ama saadaashii aan samaynay waxaa kaalinta koowaad galay Mudane Cali Cabdi Awaare oo helay codad gaaraya 835 oo u dhiganta 41%, halka Madaxweynaha hadda talada Puntland haya uu galay Kaalinta labaad, isagoo helay codad gaaraya 529 oo u dhiganta 26%.
Dr. C/weli Cali Gaas ayaa Kaalinta Sadexaad galay, isagoo helay Codad gaaraya 296 oo u dhiganta 15%, halka Musharax Cali Xaaji Warsame uu galay Kaalinta Afaraad.isagoo helay codad gaaraya 192 oo u dhiganta 9%.
Dr. Saadiq Eenow ayaa Kaalinta Shanaad galay, isagoo helay codad gaaraya 36 cod oo u dhiganta 2%, halka Xaaji Cali Yaasiin uu galay Kaalinta Lixaad, isagoo helay codad gaaraya 34 cod oo u dhiganta 2%.
Waxaan kale oo xusaynaa oo Kaalinta 7-aad galay C/laahi Cali Bare (Cidi-libaax),isagoo helay codad gaaraya 26 cod, oo u dhiganta 1% halka Dr. Yaasiin Faarax Catan uu galay kaalinta Sideedaad, isagoo helay codad gaaraya 24 cod oo u dhiganta 1%.
Musharaxiinta kor ku xusan waxay u soo gudbeen Kaalinta Sadexaad.
Siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Axmed Cabaas Gacmogaab, Maxamed Cali Yuusuf Gaa-gaab, C/llaahi Muuse Aw Cali, Cali Xaaji Cabdule , Gen. C/laahi Saciid Samatar, C/raxmaan gablax, C/raxmaan Cuuke ayaa Poll-ka qabtiisa labaad ku haray, maadaama ay heleen codad ka yar 20 cod, waxaana Poll-ka qaybtiisa Sadexaad u soo gubbay Musharaxiinta 8-da ah ee kor kusoo xusnay.
Booqo: Poll-kii & Codeynta la kala helay ….
La soco Maalmaha soo socda Poll-kii Sadexaad oo ay ku jiraan musharaxiinta mar danbe isa soo sharaxay iyo musharaxiinta 8-da ah ee usoo gudbay Wareega sadexaad.
Puntlandpost.com