Muqdisho(PP): Dab xoogan oo khasaare ka dhasahay ayaa daqiiqado kahor kabilowday goob lagu hagaajiyo gaadiidka oo ku taala isgoyska Km4. ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegaya inuu weli socdo dabku lana aaminsan yahay inuu khasaare hantiyadeed gaystay maadama uu sixawliya kusocdo dabka ka dhashay shidaalka lagu gadayay goobta.
Ciidamada Dab damiska ee gobalka banaadir oo gaaray goobta ayaa isku dayaya inay bakhtiiyaan dabka, inkastoo goobta oo ah meel shidaal uu kusii bato holaca dabka.
Wararka lahelayo ayaa intaasi kudaraya inay ku jireen garaashka gawaari nooca raaxada ah oo lagu iibinayay, waxaa sidoo kale lala,ayahay dadkii ku jiray goobta.
Ciidamo katirsan AMISOM ayaa gaaray goobta waxaana weli socda dadaalo loogu jiro sidii loo dabin lahaa dabka xoogan ee ka qarxay isgoyska KM4. ee magaalada Muqdisho.
wixii kusoo kordha dib ayaan idin kagaso gudbinayna.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho