Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Hay’adda IOM oo ka digtay ka ganacsiga iyo daabuulka caruurta(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp)  Hay’adda Socdaalka aduunka ee IOM ayaa sheegtay sanadkaan dhamaadka ah inay gacanta ku dhigtay saddex kiis oo ku saabsan daabuulka caruurta iyagoo arrintaasi la kaashanaya ciidanka danbi baarista iyo kuwo Booliska Puntland.

Xuseen Yoonis

Xuseen Yoonis

Xuseen Yoonis Xasan oo ka tirsan hay’adda IOM ayaa Radio Garowe u sheegay inay jirto dad ka ganacsada caruurta da’da yar ee aan qaan gaarin,wuxuna sheegay 14-caruur ah in laga soo xaday Tuulo u dhow magalada Jowhar isla markasna ciidanka ammaanka Puntland ay ku qabteen kantaroolka galbeed ee magalada Qardho,kiiskaasi ayuu sheegay Xuseen inuu yahay kii ugu danbeyay ee ay hay’addu ogaatay.

Waxa uu sheegay badanaa caruurta in lagu soo kaxayso waxyaabo ku saabsan shaqooyin iyo in wadanka laga kaxaynayo,taasna ay qayb ka tahay dhibaatooyinka dhalaanka yar lagu hayo.

Hay’adda IOM ayuu sheegay inay ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa hay’addaha iyo wasaaradaha ku shaqadda leh ka hortaga daabuulka sharci darada ah ee caruurta lagu hayo,si arrintaasi looga horto waxa Puntland laga bilaabay mashruuc cusub oo ay Midowga Yurub dhaqaale ku bixisay kaasoo mudo saddex sano ah socon doono isla markasna looga hortagayo tacadiga jinsiga iyo dabuulka caruurta.

 
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>