Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Nabadoon cusub oo lagu caleemo saaray magalada Garowe(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp)Abwaan Cabdilaahi Maxamed Jibriil ayay beesha Xasan Ugaar oo ka mid ah beelaha dega Gobalka Nugaal u doorteen inuu ka mid noqdo nabadoonada beesha Xasan Ugaar.

Munaasibad lagu caleemo saarayay Nabadoonka cusub ee Beesha Xasan Ugaar ayaa maanta lagu qabtay hotelka New Waamo,waxana kasoo qayb galay Suldaan Siciid Maxamed Garaase,qaar ka mid ah nabadoonada Gobalka Nugaal,haween iyo wasiiru dowlaha mamul wanaaga Puntland.

Kulanka caleemo saarka ayaa waxaa laga soo jeediyay hadalo dardaaran iyo guubaabo ah oo ku socda nabadoonka cusub,waxana sidoo kale goobta laga soo jeediyay hadalo murti leh oo Nabadoonka wax loogu bidhaaminayo.

Nabadoono iyo Odayaal dhaqan munaasibad ka hadlay ayaa sheegay inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan nabadoonka cusub,waxayna tilmaameen in looga baahan yahay Nabadoonka inuu cadaalad wax ku maareeyo umadda uu xilka u qaadayna si wacan ugu addeego.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa dhankiisa sheegay inay si wanaagsan ula shaqayn doonan nabadoonka oo uu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii sida gaarka ah iskugu xil qaamay inay ammaanka magalada Garowe ka shaqeeyaan.

Wasiiru dowlaha mamul wanaaga Puntland Maxmaed Faarax Ciise Gaashaan ayaa sheegay Nabadoon Cabdilaahi Maxamed Jibriil inuu yahay Abwaankii curiyay heesta calanka Puntland,isla markasna uu si tabarucaad ah uu ciidanka ammaanka ula shaqeeyay.

Nabadoon Cabdilaahi Maxamed Jibriil oo hadal kooban caleemo saarkiisa kasoo jeediyay ayaa balan qaaday inuu si cadaalad ah oo wanaagsan bulshada ugu shaqayn doono,wuxuna codsaday in lala shaqeeyo maadama uu xilka dhaqanka beeshiisa uu ku cusub yahay.

Ugu danbayntii xaflada waxaa soo xiray oo Nabadoonka u duceeyay Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ammaanay Nabadoonka da’da yar ee ay beesha Xasan Ugaar soo magacaabatay,wuxu tilmaamay Garaase inay muhiim tahay in la xooleeyo Nabadoonka maadama ay dusha ka fuushay xil dhaqan iyo u addeegida beesha Xasan Ugaar.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>