Muqdisho(pp) Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Somalia ayaa maanta dib ugu soo laabatay magalada Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha magalada waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad-wayne kale,waxana loo gudbiyay aqalka nasashada ee garoonka halkaasoo oo ay markii danbe war-fidiyeenada kula hadashay.
Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Somalia uga soo qayb gashay shir ay dowladdo badan kasoo qayb galleen oo ka dhacay magalada Brussles,kaasoo looga hadlayay arrimaha dalka iyo xaquuqul Insiinaka,waxayna sheegtay inay ku cadaadisay dowladdihii kasoo qayb galay in si deg deg ah Somalia lagu soo gaarsiiyo dhaqaalihii loogu deeqay ee New Deal.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda soomaaliya ayaa sheegtay in ay casuumaad ka heshay dowlada Faransiiska,islamarkaana ay magaalada Paris uga qeyb gali doonto shir ay yeelanayaan dowlada Faransiiska iyo wadamada afrika.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in madaxda wadamada yurub kala hadashay lacagihii soomaaliya loogu balan qaaday shirkii 16kii bishii September lagu qabtay magaaada Brussles,loona baahanyahay in dabagal lagu sameeyo lacagahaasi,iyadoo sheegtay in mid ka mid ah dowladahaasi ay u xaqjiisay in ay dhawaan lacagtaasi soo shubeeyso.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho