Waxaa waayahan soo badana Musharaxiinta banaanka isa soo dhigay, oo mid walba sheeganayo inuu u tartamayo hogaanka Puntland, waana arrin mudnaanteeda mudan in shaqsi walba oo dalka wax kusoo kordhin kara inuu raadiyo hogaanka Puntland.
Sidda la saadaalinayo musharaxiinta u tartamaya Puntland waxay ku dhowaan doonaan illaa tirro 3o-meeyo ah, kuwaas oo dhammaantood kursiga u tartamaya. Raga tartamaya waxaa ay isugu jiraan siyaasiyiin ku cusub masraxa siyaasada , kuwo horay loo yaqaanay iyo kuwo xilal ka soo qabtay Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo kuwo usoo dhaqeeyey Hay’ado Caalamiya iyo kuwo shirkado gaar loo leeyahay iska leh-ba, dhanka kale waxaa jira kuwo aan intaba aan ahayn oo aan horay loo maqal.
Waxaa Indhaha shacabka Puntland ay qabanayaan in Musharax walba uu qabanayo shirar badan isla markaana uu Kharash badan uu ku bixinayo socdaalo badan uu ku doonayo Inuu ku kasbasbado shacabka Puntland, dhankaas marka la fiiriyo waa wax wanaagsan in siyaasiga tartamaya uu shacabka is barro waa arrin wanaagsan , si looga aqoodo dadka kale, dhanka kale marka laga fiiriyo shacabka Puntland maaha kuwa Codkooda xor u noqonaya oo dooranaya hogaamiyaha Puntland ee qabanaya hogaanka sanadka 2014-ka. Codadka hogaamiyaha la dooranayo waxay gacanta ugu jirtaa 66 Xildhibaan oo ka kala immaanaya beelaha Puntland, iyaga ayeyna ka go’daa codkooda iyo shaqsiga ay siinayaan.
Fariimaha taageerayaasha Musharaxiinta ma saxbaa??..”"
Fariimaha ay shacabka Puntland ka jeedinayaan goobaha lagu taageerayo musharaxiinta ee dadka goobahaas ka hadlaya ayaa afkooda ka soo saaraya ” Mudane Musharax waan ku dooranaynaa ” .. waa yaabe ma shacab Puntland oo jooga dalalka qaaradahiisa ayaa dooranka musharaxa , waa maya , fariintaasi waa mid aan waxba ka jirin oo lagu jahawareerinayo shacabka. Waxa wax dooranaya waa 66 Xildhibaan oo magaalada Garoowe baarlamaankeeda wax ku dooranaya.. haddaan doonayno in aan musharaxiinta RUN u sheegno waa in aan u guntanaa siddii doorasho shacab ah looga hirgelin lahaa Puntland, markaas ayaan XAQ u leenahay in musharaxiinta aan niraahno waa idin dooranaynaa ama ha waayo ama haku guulaystee..
Maxaa laga rabaa musharaxiinta ama laga rabay???
Maadaama Xildhibaanada Cusub ee Puntland ay dooranayaan hogaamiyaha cusub 2014-ka , waxaa laga doonayey musharaxiinta in ay culayska saaraan in ay la kulmaan Isimada & Nabadoonada Puntland, isla markaana ay ka codsadaan haddii Puntland la doonayo in ay wanaagsanaato in ay soo xullaan Xildhibaano qiimayn kara , go’aana ka qaadan kara shasqsiga ay u codaynayaan , nasiib darro arrintaasi meesha waxaa ka maqan yihiin, oo musharax culayska saaray la kulanka Isimada & Nabadoonada Puntland waa yar yahay.
Dhanka kale sidda dhacada marar badan , raga xildhibaanada ee la soo doorto ama qabiiladu usoo xushaan looma eego Aqoonta & asluubta ay leeyihiin, ama aqoontooda Diintu sidda ay tahay oo waxaa la fiiriyaa xagee nabadoonku & isimku u janjeeraa , waxaana dhacda in Nabadoonka & Isimku meesha ay u janjeeraan ay usoo xushaan xildhibaanada beeshaas u gelaya, si xildhinaaku ugu codeeyo nabadoonku & Isimku meesha uu raacsan yahay.
Waxaa aad u qummanaan lahayd in musharaxiinta ay culayska saaraan in ay aad ulla shaqeeyaan Isimada & Nabadoonbada , si ay usoo magacaabaan Xildhibaano tayo leh, haddii aysan taas samayn karin ha u diyaargaroobaan in ay lacag isticmaalaan oo ay sidaas ku soo baxaan. Hana iska daayaan in ay shacabka Jahawareeriyaan oo ay yiraahdaan puntland waa in ay ka dhacdaa Doorasho xor ah , ileyn shacab wax dooranaya ma jiree…, waxaase wax lagu dooranayaa Doorasho lagu magacaabi karro ku- meel-gaar ah oo looga gudbayo Doorashooyin Dimoraadiyeed oo puntland la doonayo in laga hirgelinayo mustaqbalka.
Dowlada na soo haysa ..”"
Haddii aan ognahay in shaqsiga kursiga Puntland kusoo baxaya 2014-ka , suu doono ha ku soo baxee uu noqonayo shaqsi si sharciya ku soo baxay , waxaa looga fadhiyaa in talaabada ugu horeeya uu ka dhigto in xisbiyadii Dimoraadiyeynta ee lagu fashilmay uu dib u furo , sanadka ugu horeeyana puntland ay ka jiraan Xisbiyo ka qayb qaadan kara gollayaasha Dowladaha hoose & tan doorashooyinka baarlamaanka, waana jidka kaliya ee u furan Puntland, haddii dhammaanteen aan doonayno doorashooyin xor ah in ay Puntland ka dhacaan waqtitiyada soo socda.
Puntlandpost.com