Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaso: Arday Bartay xirfado ay ku shaqaystaan oo shahaadooyin la guddoonsiiyay (sawirro)

$
0
0

Boosaaso(PP):Munaasabad ballaaran oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay ku dhowaad 40- gabdhood oo ka qalin jabiyay Machadka tababarada ee Hodaman ayaa manta lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qaybgalay Dhallinyaro,Haween,Saraakiil ka socota hay’ado Caalami ah,ururada bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin ka socday maamulka degmada Bosaso iyo Wasaaradda haweenka ee Puntland.

Ardaydaan shahaadada laguddoonsiyay ayaa bartay qaabka loo ganacsado, waxbaarshada Aas-aasiga iyo xirfada dharkarinta.

Xiriiriyaha ururka  Hodman Siciid Cali Faarax oo Daah-faray Munaasabada ayaa sheegay in ardayda ka qalin jabisay Mcahadka ay qayb ka yihiin 100-arday oo wax ka barta Machadka tababarada ee Hodman, isagoona umahadceliyay Hay,addaha macahadka ka taageera arimaha wax barashada ardayda.

DSC00090

Mahado Shiikh Axmed oo ah guddoomiyaha macahadka Hodman ayaa ardayada qalin jabisay kula dar daarantay inay wixii ay barteen kula laabtaan bulshada ay la noolyihiin si ay uga faa,iideeyaan.

Mahado ayaa dhinaca kale ardayda usoo jeedisay inay ka digtoonaadan khatarta Tahriibta, wixii ay barteena uga shaqaystaan dalkooda.

Muddadi ay socotay munaasabadu ayaa waxaa madasha shahaaddoyin lagu guddoonsiiyay ardayda qalin jabisay, waxaana laga dheehanayay sida ay ugu faraxsanyihiin shahaadada laguddonsiyay.

Ardaydaan bartay xirfada dharkarinta iyo Waxbarshada Aas-aasiga ah ayaa la filayaa inay noloshooda ay wax wayn ka badesho xirfada ay barteen.

DSC00077 DSC00078 DSC00079 DSC00080 DSC00085 DSC00090 DSC00091 DSC00092 DSC00093 DSC00097 DSC00098DSC00102 DSC00107 DSC00108 DSC00115 DSC00120 DSC00122 DSC00124 DSC00125 DSC00127 DSC00130 DSC00131 DSC00134 DSC00145 DSC00154

 Puntlandpost.com

Xafiiska Boosaaso

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>