Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta W/ Arrimaha Dibadda DF ee Soomaaliya ugu magac-daray Marxuum Axmed Qeybe (Sawiro)

$
0
0

Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed,Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale oo lagu xusayey Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan Qeybe ayaa caawa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

kulan tacsi (4)Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday Taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

kulan tacsi (10)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo
qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.

“ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey Umadda Soomaaliyeed. Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir Allaah haka siiyo ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

kulan tacsi (1)Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana jiri
doonaa” Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”

kulan tacsi (2)“ Caawa waxaan u joognaa xuska Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa si aanu jirsiino mar-walba waxaan caawa halkaan ka soo jeedinayaa maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in xarunta
Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan Qeybe yuu ahaa ka dibna aariikhdiisa iyo waxqabkiisa u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

kulan tacsi (6)Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah.

Sawiro kale

kulan tacsi (3) kulan tacsi (5) kulan tacsi (7) kulan tacsi (8) kulan tacsi (9) kulan tacsi (11)

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>