Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Puntland oo laga xusay maalinta ka hortaga cudurka ADIS-ka(Sawirro&Dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Hay’adda Puntland u qaabilsan ka hortaga cudurka ADIS-ka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan PAC ayaa maanta magalada Garowe ku qabatay kulan lagu maamusayo maalinta ka hortaga cudurkaasi oo caalamka oo dhan laga xumo maanta oo kale.

Kulankii ugu ballaarnaa ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda PSU,waxana kasoo qayb galay wasiiro,mamulka hay’adda PAC,bahda caafimaadka iyo dadwayne kale,waxana laga soo jeediyay hadalo kala duwan oo ku aadan in cudurkaasi laga hortago iyo inaan la faquuqin dadka cudurkaasi qaba.

Wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ahna gudoomiye ku xigeenka guddiga sare ee la-dagalanka HIV/ADIS ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii gacmaha la isku qabansan lahaa ka hortaga cudurkaasi oo ka mid ah kuwo dadka dila oo aan la hayn daawo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr.Cabdirsaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay sanadkaan dhamaadka ah in Puntland laga helay 83-qof oo qaba cudurka Adiska,taasoo ka dhigan inay ka yar tahay tiradii sanadkii hore cudurkaasi laga helay.

Wuxuu sheegay in tan iyo sanadkii 2006 deegaannada Puntland laga helay 721 oo qaba cudurka, isagoo tilmaamay inaysan badnayn tirada dadka iskood isaga baara cudurka ama guud ahaan la socda heerkooda caafimaad.

Agaasimaha guud ee Hay’adda La-dagalanka ADIS-ka ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud ayaa sheegay inay dagaal xoogan kula jiraan sidii Puntland looga cirib tiri lahaa cudurkaas oo saamayn xun wada,wuxuna tilmaamay Puntland inuusan xanuunkaasi ku badnayn balse loo baahan yahay in la muujiyo qaylo dhaan ku aadan ka hortagiisa.

Dr.Dhagawayne ayaa sheegay inay tixgalin doonan qaylada ka timi wasaradda haweenka ee ku aadan cudurka ADIS,iyo sidii looga wada hortagi lahaa.

Cudurka ADIS-ka ayaa sida la sheegay waxa uu Somalia soo galay 30-sano ka hor,waxana la sheegay dalka inuu ku yar yahay balse loo baahan yahay in dadka lagu wacyi galiyo inay goobaha caafimaadka tagaan oo ay xili kasta caafimaadkooda ka war qabaan.

Dunida ayaa laga xusaa bisha 12-aad maalinteeda kowaad maalinta ADIS-ka aduunka,taasoo ku aadan in dadka lagu baraarujiyo inay ka hortagaan cudurkaasi dadka qabanaa aysan faquuqin.
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>