Muqdisho(pp) Madaxwaynaha dowladda dhexe ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo saxaafada galabta kula hadlay madaxtooyadda ayaa soo dhaweeyay habkii ay baarlamaanku kalsoonida kala noqday xukumadda Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay gollaha xukumadda ee kalsoonida la qaaday ay sii shaqayn doonan inta uu soo magacaabayo Ra’iisulwasaare cusub,wuxuna tilmaamay sida ugu dhaqsiyaha badan inuu wasiirka koowaad usoo magacaabi doono.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu iga digay Xasan Shiikh inay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara khilaafka.
Waxaa halkaasi kusoo dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyay Xasan Shiikh iyo Cabdi Saacid,balse dadka siyaasada falanqeeya ayaa ku tilmaamay inay tahay sababta kalsoonida loogala noqday mid ka timi xafiiska madawaynaha Somalia.
Halkan ka dhagayso,Hadalka Madaxwaynaha Somalia oo dhamaystiran
Mobil -ahaan u dhagayso
Madaxwaynaha DFS oo Kalsooni kala noqosha Saacid ka hadlay
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho