Kismaayo(pp) Mamulka KMG ah ee Jubba ayaa hay’addaha samafalka ee ku sugan magalada Kismaayo ku eedeyay inaysan haba-yaraatee wax la taaban karo shacabka Gobalka aysan u qaban,taasna ay keentay in lagu dhaliilo shaqo xumo.
Cabdinaasir Seerar Maax oo mamulka Jubba u qaabilsan xafiiska arrimaha bulshadda oo shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa sheegay inay muhiim tahay wax u qabashada qoysaska kusoo baracakay magalada iyo kuwo kale ee tabaalaysan isla markasna u baahan in laga caawiyo dhibaatooyinka ay qabaan.
Waxa uu sheegay Seerar inay si dhow ula shaqayn doonan cid kasta oo wax u qabanaysa qoysaska tabaalaysan ee gurmadka u baahan,wuxuna tilmaamay xiliga kan inay lama huraan tahay sidii loo hirgalin lahaa barnaamijyo qoysaska danaysan lagu bad baadinayo.
Mamulka Jubba ilaa iyo hada ma uusan diiwaan galin hay’addaha caalamiga ah iyo kuwo kale ee wadaniga ah isla markasna ka shaqeeya magalada Kismaayo,mana jirto ilaa iyo hada wax hay’add ah oo dadka tabaalaysan wax u qabatay.
Docda kale haweenka magalada Kismaayo ayaa bilaabay olale nadafadeed oo iskaa wax u qabso ah,kuwaasoo lagu hagaajinayo bilicda iyo hagaajinta xaafadaha magalada,waxayna sheegeen haweenkaasi inay ka go’an tahay sidii looga shaqayn lahaa bilicda caasumadda Jubba ee Kismaayo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo