Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Murashaxiinta Pl oo ka hor yimi guddiga xalinta khilaafaadka ee uu Farole magacaabay

$
0
0

Garowe(pp) Qaar ka mid ah murashaxiinta Puntland ayaa shir ay ku yeesheen magalada Garowe waxay ku sheegeen inaysan raali ka ahayn guddiga xalinta khilaafaadka ee uu saacaddo ka hor ku dhawaaqay madaxwaynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole.

Murashaxiinta shirka jaraa’id ku qabtay magalada Garowe waxaa ka mid ah Cali Xaaji Warsame iyo Maxamed Cabdinuur waxayna si isku mid ah u sheegen inaysan qaanuun ahayn guddiga uu madaxwaynaha ku dhawaaqay ayna dhowaan ku dhawaaqi doonan waa sida ay sheegeen guddi kale oo ka shaqeeya xalinta khilaafaadka.

1Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inaysan munaasib ahayn in madaxwaynaha Puntland uu kaligiis ku dhawaaqo guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada,sidaasi darteedna uu kasoo horjeedo,wuxuna tilmaamay inay keeni karto khilaaf hor leh.

Maxamed CabdinuurSidoo kale waxaanu qadka taleefoonka ku waraysanay Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo shirka jaraa’id ee Garowe ka dhacay ka qayb galay,wuxuna Puntlandpost u sheegay guddiga uu madaxwayne Farole ku dhawaaqay uu yahay mid aan sharci ahayn oo aysan ka yeeli doonin inay u hoggaan-samaan waxyaabaha guddigaasi kasoo baxa,wuxuna ku taliyay in arrintaas laga hortago.

Gaas7Musharaxa kale ee Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo saacadaha soo socda soo gaari doono magalada Garowe ayaa sheegay guddigaasi inay kasoo horjeedaan isla markasna uu taageersan yahay in lamagacaabo guddi kale oo ay murashaxiinta ku wada qanacsan yihiin.

Si kastaba xaaladu ha ahaatee waxaa jira kala aragtu duwanaan hor leh oo dowladda iyo murashaxiinta soo kala dhexgalay,walow ay dowladdu sheegtay inay sharci ahaan magacaabista guddiga uu lee yahay madaxwaynaha xafiiska haya ee Cabdi-Raxmaan Farole.

Walina ma jirto wada hadal rasmiya oo dhexmaray dowladda,murashaxiinta iyo Isimadda Puntland oo looga hadlayo doorashada iyo sidii loo wajahayo.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>