Marka(pp) Kolanyo gaadiid ah oo ay saaran yihiin ciidanka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in magalada Marka xaafad ku taal lagula eegtay qarax dhawaqiisa si wayn loo maqlayay xaafadaha magalada.
Gudoomiyaha magalada Marka oo saxafada Muqdisho la hadlayay ayaa sheegay inay jirto weerarka lagu soo qaaday ciidanka AMISOM oo marayay xaafada la yiraahdo Buulo Ruusiya,balse hadda ay socdaan howlgalo kala duwan oo lagu baacsanayo kooxdii weerarka gaysatay.
Maxamed Cismaan Yariisow ma uusan sheegin weerarkaasi cida lagu tuhmayo,hase ahaatee inuu baaritaano socdo ayuu xaqiijiyay
Wax dhimasho iyo dhaawac ah wali lama sheegin,balse dadka magalada ayaa sheegay gaari ka mid ah kuwo la weeraray inuu soo gaaray bur bur xoogan.
Taliska AMISOM wali kama uusan hadlin weerarkaasi,hase ahaatee magalada Marka ayaa ka mid ah dhulkii laga xoreeyay kooxda alshabab,balse si dhuumaalaysi ah ay ku joogeen Gobalka Shabeeladda hoose.
wixii kusoo korka warkaasi Puntlandpost.com kala soco