Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaaso:Culimadda PL oo gudo galay wajiga labaad ee xoolu u iibinta qoysasyka cayroobay(Sawirro)

$
0
0

Bosaaso(pp)Culimadda Puntland ee u istaagay sidii loogu gurman lahaa qoysasyka ku cayroobay roobabkii duufaanta watay ee saddex todobaad ka hor da’ay deegaano ka tirsan Puntland ayaa shir ka yeeshay labadii bari ee ugu danbeeyay sidii loo waji lahaa qorsha xoolaha loogu iibinayo.

Culimadda oo shirarkooda xooga ku saaray sidii dhaqaalaha loogu deeqay qoysasyka cayroobay xoolo loogu gadi lahaa ayaa go’aamiyay inay muhiim tahay gudo galida wajiga labaad ee tabarucaada,iyagoo arrintaasi ka duulaya,waxay ku dhawaaqeen guddi wajiga labaad ee gargaarka gacanta ku haya.

Guddiga waxaa madax u ah Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf,wuxuna sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah qoysaska xoolo loogu iibiyo,maadama ay nolashoodu ku xiran tahay dhaqashada xoolaha siiba ariga.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxa uu sheegay inay si toos ah u gaarsiin doonan dhamaan dadkii loogu talo galay dhaqaalaha kasoo gaaray dalka iyo waliba dibadiisa,wuxuna isagoo arrinta gurmadka ka hadlaya u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb galay.

Inkastoo dhaqaalaha guddiga culimadda soo gaaray uu aad u badan yahay haddana waxay qorsheeyeen wajiga labaad in loogu iibiyo Ari si nolashooda ay ugu maareeyeen.

dowladda Puntland ayaa dhankeeda waxaa lasoo gaarsiiyay lacago kala duwan,kuwaasoo loogu talo galay qoysaska cayroobay in lagu caawiyo,iyadoona ay Puntland sheegtay inuusan wali soo gaarin halkii Malyan ee ay dowladda dhexe ku deeqday.

Guddiga culimadda ee wajiga labaad gurmadka u qalab qaadanaya,waxay kala yihiin.

01. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf (Guddoomiye)

02. Shiikh Axmed Daahir Xasan (Kuxigeen).

03. Shiikh Axmed Yuusuf Daad.

04. Shiikh Daahir Aw Cabdi

05. Shiikh Daahir Guureeye Kaaarshe.

06. Shiikh Jaamac Siciid Ciise.

07. Shiikh Maxamed Macalin Axmed.

08. Guddoomiyaha Al-Minhaaj Ustaad Maxamed Maxamuud Ciise.

6 1 2 3 4 5

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>