Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Cabdiwali Gaas ”Rabitaankiina si dhab ah ayuu ii taabtay”(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Murashax Prof.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) oo maantey si wayn loogu soo dhaweeyay magalada Garowe xarunta Puntland ayaa dad-wayne aad u faro badan khudbad uga jeediyay bartamaha magalada.

Dr Gaas

Murashax Gaas oo qiiraysan

Khudbadda Gaas waxa uu marka hore ugu mahad celiyay mamulka Gobalka.kan Nugaal iyo dadwaynihii ka qayb galay soo dhawayntiisa,wuxuna sheegay inay u muuqata shacabka Puntland is-badal nabad ah oo ku salaysan mid hormarineed sida ,helitaanka,caafimaad wanaagsan,biyo macaan iyo mamul suubaan.

Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia mudane Gaas ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo doorashada 8-da Janaayo ee sanadka danbe dhici doonta inay noqoto mid xor iyo xalaal ah,haddii uu xilkaasi ku guulaysatana shacabka uu waxqabad iftiin leh gaarsiin doono.

Khudbada uu Murashax Gaas taageerayaashiisa u jeediyay ayaa laga dheehanayay inay tahay mid dareen mug wayn xanbaarsan,wuxuna tilmaamay inuu aad ugu qanacsan yahay shucaabka ay shacabka reer Garowe maantay u muujiyeen,isagoona arrintaasi ka hadlaya ayuu yiri Gaas”Rabitaanka shacay-kayga si wayn ayuu ii taabtay waana ku faraxsanahay”.

Mobil ahaan u dhagayso- Khudbadii Murasha Gaas

 
Soo dhawaynta Gaas ee Garowe ayaa ah tii ugu miisaanka cuslayd ee murashaxiinta hadda ku sugan magalada loo sameeyay.

Waxaase si wayn magalada looga hadal hayaa diid-mada ay murashaxiinta Puntland ka muujiyeen guddiga xalinta khilaafaadka uu maalinkii shalay madaxwaynaha Puntland ahna murashax madaxwayne Cabdi-Raxmaan Farole  ku dhawaaqay,kuwaasoo ka kooban 7-xubnood iyo xoghayntooda.

Dr.Cabdiwali Cali Gaas oo ka mid ahaa dadkii ka hor yimi guddigaasi ayaa sheegay inay ku dhawaaqi doonan guddi kale oo arrinta khilaafaadka ka shaqeeya.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>