Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: 5-kamid ah ururada Siyaasada Puntland oo soo saaray baaqoodii ugu dambeeyey ee ku aadan doorashooyinka soo fooleh.

$
0
0

Waxaa shalay oo taariikhdu ku beegnayd 26/03/2013 ku kulmay hayadda PDRC ururrada siyaasadda iyo guddiga hoggaaminta dimoqraadiyaynta Somalia ee beesha caalamka ka soo socota. Waxaa kulankaani daba joogaa warsaxaafadyo hore oo ururada siyaasada si wadajir ah  u soo saareen kuna saabsanaa  xallinta muranka ka dhexeeya xukuumadda iyo ururrada siyaasadda qaarkood ee ku aadan doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda. Doorayaashooyinkaas waxay xukuumaddu ku adkaysatay in la qabanayo bisha May iyadoo aan lagu xirayn  qofka wax dooranaya warqad aqoonsi iyo diiwaan gelin midnaba. Si ay taasi ugu suurto gasho waxay xukuumadu ay dorraad u gudbisey golaha wakiilada inay ansixiyaan mashruuc sharci cusub oo beddelaya 21 qodob oo ka  mid ah  qodobbada sharaciga doorashooyinka imminka jira.  Ha yeeshee ururrada siyasadeed way ka biyo diideen qorshahaas, waxayna isku raaceen  badidoodu inay san aqbalayn doorashooyinka caynkaas loo soo abaabuley. Waxay kale oo ka digeen wax ka beddelka xeerka doorashooyinka golayaasha degaanka oo imminka jira, oo haatan  loo gudbiyey golaha wakiilada. Waxayna sii raaciyeen i n  in doorashooyin aan aqoosi iyo diiwaangelin lahayn ay keeni karaan musuqmaasuq, ku shubasho iyo been abuur rabitaanka shacabka weyn ee reer Puntland. Waxay kale oo walaac ka muujieen qodobada amniga waddanka, xuduudaha dawladda oo aan sugnayn iyo weliba ku degmooyinka u dhexeeya oo si wacan u kala soocnayn.

Haddaba waxay ururadu shalay u gudbiyeen madaxwynaha iyo beesha caalamka warqad  ay ku faafaahinayaan qodobo dhowr ah oo xal asaasi ah u noqonka muranka imminka jiraee ku saabsan doorashooyinka golayaasha degaanka. Waxayna yihiin kala yihiin:

1. Inay dawladdu dedaal iska saarto iyadoo la kaashanaysa beesha caalamka dedejinta isdiiwaangelinta codeeyayaasha, taasoo ay dawladdu  ka gaabisay siddeedii bilood oo ugu dambaysey.

2. In ururada siyaasadd, guddiga doorashooyinka iyo xukuumaddu ay bilaabaan wada hadal si toos ah ay xal u adeegaya danaha shacabka ugu raadinayaan arrimaha laysku  hayo

3. Maadaama guddiga doorashooyiku uusan dhexdhexaadnimo ka muujin arrimaha laysku hayey bilihii la soo dhaafay, waxa inta badan ururada siyaasaduu  danaynayaan in la beddelo, lana helo guddi cusub oo kalsooni keeni kara.

4. In doorashooyinka golayaasha degaanka la dib dhigo ilaa laga hubinayo inay codeeyayaashu helaan warqado aqoonsi, isna diiwaan geliyaan. Hawshaasi waxaa qaadan kartaa ugu badnaan 4 bilood siday shirkadaha xirfadda u leh noo sheegeen.

5. Waa in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo kala saarta isqabqabsiga doorashooyinka ka hor maalinta doorashada Haddii muddadii halka sano ahayd oo horay loo qorsheeyey lagu wada qaban waayo doorashooyinka,

6. waxaan soo jeedinaynaa in la helo dawlad cusub oo talada la wareegta dhammaadka sannadka isla markaasnao dalka hoggaamisa muddo labo sano ah oo keliya, muhimmadeeduna tahay inay dhammaystirto hannaanka dimoqraadiyaynta.\

 

Riix Halkan:- Baaqa ururada oo Original ah ku qoran Luqada Ingiriiska.

 

Faafinta: puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>