Boosaaso: (pp)- Kooxo hubaysan oo weerar kedis ah ku qaaday xarrunta Xawaalada Kaah Express ayaa lagu dilay laguna dhaawacay masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha Xarrunta Kaah Express ee magaalada Boosaaso ee xarrunta gobolka Bari.
Raga soo weeraray Xarrunta Xawaalada ayaa dilay Labo masuuliyiin ah oo ka mid ahaa shaqaalaha Xawaalada, halka ay dhaawaceen Labo qof oo kale, iyagoo isla markaasna qaatay Lacago Xawilad ah oo xarrunta taalay.
Weerarkan oo dhacay maanta barqadii guddaha magaalada Boosaaso , ayaa ka yaabiyey dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Boosaaso.
Ciidanka booliiska ayaa goontaas soo gaaray iyagoo aan weli u qaban cid gaar oo looga shakiyey falkaasi, waxayse booliisku sheegeen inay baadi-goob ugu jiraa kooxihii falkaas ka danbeeyey , iyagoo dadka weydiinaya sida wax u dhaceen iyo halka ay u careen kooxihii falkaasi geystay.
Puntlandpost, Boosaaso, Puntland