Garowe(pp) Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimadda Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Gobalka Nugaal ee Puntland.
Kulanka oo ka dhacay aqalka murashaxa ayaa waxaa kasoo qayb galay Musharax Maxamed Cabdinuur ,Madaxa olalaha doorashadiisa Cawil Shiikh Xaamud Maxamed,haween si wayn looga yaqaan Gobalka Nugaal gaar ahaan magalada Garowe,waxayna kulanku iskugu jiray labo qorshe oo kala ah in murashaxa laga dhagaysto waxyaabaha uu xooga saari doono haddii uu madaxwayne noqdo iyo su’aalo ay waydiinayeen dadkii kasoo qayb galay.
Ugu horayntii kulanka waxaa ka hadlay murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo xilkaan markii labaad isku soo taagay,wuxuna sheegay inuu wax badan u qaban doono dad-yowga ku nool deegaanadda Puntland.
Maxamed Cabdinuur ayaa faah faahiyay ujeedada uu xilka madaxtinimadda iskugu soo taagay,wuxuna ku tilmaamay inay tahay wax u qabashadda shacabka oo in badan sugaya is-badal wanaagsan iyo hormar la taaban karo.
”Waxan soo dhisi doonaa haddii aan madaxwayne noqdo dowladd kooban,haweenka doorka ay lee yihiinna waan muujin doonaa,awooda xukumadda waan baahin doonaaa,dhalinyaradda iyo mustqalkoodana waan wanaajin doonoo”ayuu yiri Maxamed Cabdinuur,wuxuna wax muhiim ah ku tilmaamay in laga fiirsado qofka xilka lagu aaminayo.
Gudoomiyaha Haweenka Gobalka Nugaal Faadumo Axmed Nuur ayaa sheegay inay ku faraxsan tahay kulankan uu murashax Maxamed Cabdinuur la yeeshay,waxayna sheegtay inay taageersan tahay siyaasadda iyo olalaha musharaxa ayna la garab taagan yihiin wixii iil iyo hooba ah.
Waxay Faadumo sheegtay Puntland inay u baahan tahay qof cadaalad ah oo danta shacbaka iyo tan dalka ka shaqayn kara,horumar iyo wax la taaban karo muujin kara.
Intaasi ka dib dhowr haween ah ayaa musharaxa wax ka waydiiyay qorshihiisa inay ku jirto soo celinta deegaanadda Puntland ka maqan,xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland iyo hagaajinteeda,wax ka qabashadda waxbarashada lacagta ah iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxa uu sheegay isagoo qodobadaasi ka jawaabaya inay u baahan tahay qorshe cad balse haddii xilka loo doorto uu wax badan ka qaban doono arrimaha taagan ee ay dadku u baahan yihiin in wax laga qabto.
Ugu danbayntii Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa sheegay inuu sii wadi doono kulamada noocan oo kale ah,isla markasna uu socdaal ku tagi doono deegaanadda kale ee Puntland.
Halkan ka dhagayso Buraabur loo tiriyay Musharax Maxamed Cabdinuur
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe