Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Dalladda Ururada naafadaha PL oo xusay maalinta naafada caalamka

$
0
0

Garowe(pp) Munaasabadan lagu xusayay 3-december oo ku beegan maalinta naafada adduunka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Dalladda Ururada Naafada ee Puntland oo mageceeda loo soo gaabiyo PDON, waxaana ka soo qayb galaymas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Dawladda Puntland qaar ka mid ah hay’ada ah aan dawliga ahayn, ururrada ka shaqeeya danaha naafada iyo marti sharaf kale.

dhalinyaro-indhaha-300x225Munaaasabada oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Machadka Indhoolayaasha ee Albsar ayaa intii ay socotay waxaa halkaasi hadalo   ka jeeediyay ka soo qeyb galayaasha xafladda oo ka hadlay ahmiyada xuska Naadafada iyo dhibaatooyinka haysta dadka naafada ah ee ku nool GobolladaPuntland.

Guddoomiyaha Dalladda Ururada Naafada  Puntland Cali Cabdi Aadan  ayaa sheegay in dadka naafada ah ay u baahan yihiin xuquuqda uu leeyahay qof kasta oo mawaadin ah, isagoo codsaday in Dawladda ay dhaqan galiso qodobka 34aad ee Dastuurka Dawladda Puntland oo si cad u qeexaya xuquuqda dadka naafada ah.

Sidoo kale wuxuu codsaday in dhammaan Goobaha Adeegga Bulshada ee Dawliga ah la wadaago qofkasta oo naafo ahna awood u leeyahay inuu ka faa’iidaysto.

Agaasimaha Wasaradda Haweenka iyo Qoyska Puntland ayaa sheegay in dowladdu ay ka damqaneyso dhibaatada ay ku noolyihiin guud ahaannaafada, qorshaheedana uu yahay sidii wax loogu qaban, wuxuuna si weyn u soo dhaweeyey taageerada iyo horumarinta dadka naafadaha.

Madaxa Hay’adda Handicap International Xafiiskeeda Puntland Maxamed Farax ayaa uga mahadceliyey Dalladd PDON qabaqaabada Munaasabadda, wuxuu tilmaamay in aanay naafanimo caqabad ku noqon Karin qofka nolooshiisa haddii aysan ka hor imaan deegaan ama bulsho u diida qofka naafada ah inuu si madax bannaan u noolaado, “Disability qofku ma noqon karo haddii aysan bulshada ama deegaanko qofka ka dhigin, laakiin qofku wuxuu noqon karaa Impaired wax qabsi ahaan aan ka liidan qofka aan impared-ka ahayn, haddii aan qofka loo diyaarin deegaan qof kasta oo naafo ah ka adeegan karo ama bulshadu aysan fahmin in qofka naafada ah ay isku xuquuq yihiin waxay ka dhigaysaa qofkii naafada ahaa Disability ama naaafo aan waxba qabsan karin.

Sidoo kale Madaxa Hay’adda Handicap international xafiiskeeda Puntland wuxuu tilmaamay in aanay jirin cid aamin ka ah naafanimo, maadaama
naafanimo ay ku timaado si kadis ah, wuxuuna ku taliyey in dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan ay si ah u horumariyaan adeegyada dadka naafada ah iyo xuquuqdooda.

Ugu dambayntii masuul ka tirsan machadka Indhoolayaasha Albasar ayaa ka sheekeeyey waxqabadka machadka albasar, wuxuuna sheegay in dufacdii ugu horreysay ay sannadkan ka qalin jabinayaan dugsiga dhexe ee machadka.

Wuxuuna ka codsaday Wasaaradda Waxbarasahda ee Puntland iyo Dawladda in iskuullada dawliga ah laga dhigo kuwo naafada iyo dadka aan faadaha ahayn ay wadaagi karaan, isla markaana lagu soo daro qalabka gaarka u ah dadka aragga naafada ka ah si ay ugu fududaato in ay waxbarashadooda dugsiga sare ka sii wataan dugsiyada sare ee dawladdu leedahay ee Puntland.

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>