Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dongorayo:Gurmad ka yimi shacabka Qadar oo la gaarsiiyay Qoysas ku cayroobay PL(Sawirro&dhagayso)

$
0
0

Dongorayo(pp) Gurmad ballaaran oo ka yimi walaalaha Dalka Qatar ayaa maanta lasoo gaarsiiyay qoysaskii ku cayroobay roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal ee Puntland.

2Deeqdan oo ahayd raashin iyo agabyo kale ayaa waxaa dadka Qatar kasoo aruuriyay Shan hay’adood oo waa wayn,waxana wakiil ka ahaa oo mamulka gurmadka ee degmada Dongorayo soo gaarsiiyay Maxamed Xuseen Cumar oo garab wada shaqayneed ka helayay Hay’adda khayriga ah ee Tadaamun.

12Munaasibad gurmadka ka yimi Wadanka Qatar loogu wareejinayay mamulka Degmada Dongorayo ayaa waxaa ugu horayntii ka halay wakiilka Gurmadka ka yimi Qatar Mudane Maxamed Xuseen Cumar,wuxuna sheegay gurmadkaan oo raashin iyo agabyo kale ah uu socon doono mudo bil ah ayna iska soo aruuriyeen shacabka Qadar oo fariin baaq ah ka helay Amiirka Qatar oo sheegay inay muhiim tahay caawinta walaalaha Soomaaliyeed ee cayroobay.

4Maxamed Xuseen waxa uu sheegay howsha gurmadka inay u kala qaybiyeen labo arrin,wajiga hore ayuu sheegay inuu yahay gurmadka deg deg ah sida gaarsiinta raashin iyo waxay dhaxanta ka gallaan dadka tabaalaysan,tirada qoysaska la bartilmaamaysanayo in la caawiyo ayuu sheegay masuulkaasi inay gaarayaan toban kun oo qoys.

5Waxa uu sheegay wajiga kale inuu yahay dib u kabasho loo samaynayo qoysaska tabaalaysan ee u baahan in la caawiyo,ugu danbayntii waxa uu u mahad celiyay mamulka degmada Dongorayo,odayaasha dhaqanka iyo Hay’adda Tadamun oo qayb ka qaadatay fududaynta howsha gurmadka.


Gudoomiyaha Hay’adda Tadaamun Cabdiraxaan Cabdirisaaq oo dhankiisa hadlay ayaa marka hore u mahad celiyay is-bahaysiga Hay’addaha Qatar oo dadaal u galay caawinta dadka ku tabaaloobay roobabkii duufaanta watay ee Puntland ka da’ay.wuxuna sheegay inay tahay arrin culus taakulaynta 70.000-kun oo dhibaatooyin kala duwani ay soo gaartay.

 

Gudoomiyaha degmada Dongorayo ayaa dowladda Qatar iyo dadka gurmadka soo gaarsiiyay uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay uga jawaabeen qaylo dhaanta madaxwaynaha Puntland kasoo baxay,wuxuna sheegay deeqda in si wanaagsan loo gaarsiin doono qoysaskii loogu talo galay.

 

Jaamac Salaad Dhaga-dheere oo ku hadlayay afka shacabka Puntland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin gurmadka ka yimi Dowladda Qatar,wuxuna sheegay gurmadkaasi inuu yahay kii ugu waynaa ee abid soo gaara Puntland kana yimaada dalka dibadiisa,ayna muhiim tahay in sida Qadar oo kale qaylo dhaanta looga jawaabo.

 

Gurmadka Qatar ka yimi ayaa waxaa waday 8-gaaro oo ah nooca waa wayn,waxana loo qaybinayaa dadkii duufaantu ay barakicisay.

Ugu danbayntii Tuulada Libaaxo oo ka tirsan degmada Dongorayo ayaa waxaa gurmad loogu qaybiyay 150-qoys oo ay saamayn soo gaartay,dadka loo qaybiyay deeqda ayaa waxaa ka muuqday dhibaatooyin ay ku reebeen duufaanta ku dhacday afar todobaad ka hor.

7 8 11

30

29 28 27 26 25 24 23 22 21 20 19 18 17 16 15 14 13 12 10 9   6   3 2 1 31 5 4 12 27

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>