Garowe(pp) Inta badan murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimadda dowladda Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magalada Bosaaso kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac aad u faro badan.
Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah ragga xilka u sareeya Puntland u tartamaya ayaa Puntlandpost u sheegay inuu ka xun yahay falkii maanta ka dhacay magalada Bosaaso.
Xaajiga ayaa sidoo kale tacsi u diray dhamaan ehelkii ay dadku kaga dhinteen qaraxa,wuxuna alle uga baryay inta dhaawaca ah inuu u booga-dhayo oo durbo ka kiciyo.
Sidoo kale qaraxaasi iyo saamaynta uu gaystay waxaa ka hadlay Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Maxamed Cabdinuur Xirsi waxayna si isku mid ah u wada canbaareeyay qaraxa oo lala eegtay goob aad u mashquulsan,waxayna sheegeen inay aad uga xumaadeen kolkii ay maqleen warka dhiilada xanbaarsan ee Bosaaso uga yimi.
Waxay shacabka ugu baaqeen inay door ka qaataan sidii looga hortagi lahaa kooxaha gumaadaysa umadda Soomaaliyeed ee aan waxba ula harayn.
Dadka ku dhintay qaraxaasi oo gaaraya 7-qof iyo kuwo ku dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa inay iskugu jiraan ciidan iyo dad shacab ah,wuxuna ka dhacay meel aan sidaasi uga sii fogayn xarunta xawaalada Amal.
Madaxwaynaha dowladda Puntland iyo madaxda DFS oo ka hadlay ayaa canbaareeyay weerarkaasi,waxana lagu tilmaamay inuu yahay mid ka yimi dhanka Alshabab.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe