Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ku-simaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa tacsi u dirayaa dadkii ku waayey ehehlkooda qaraxii maanta ka dhacay boosaaso

$
0
0

Brussels, 05, Diseembar, 2013: Kusimaha Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Qorshaynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Xassan Suleiman ayaa ku tilmaamay qaraxii maanta ka dhacay magaalada boosaaso mid ay soo agaasimeen argagaxisada Alshabaab.

cawilWasiirka ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ay cadowtinimo ku dheehan tahay isla markaan aan laga gaarin u jeedkii laga lahaa. “Aad ayaan u camabaareynayaa kooxihii ka danbeeyey qaraxaas oo ay ku dhinteen dadka badani, waana mid aan laga gaarin u jeedkii laga lahaa,waxaana waxyeelo baaxad leh ka soo gaartay dad shacab ah oo qaarkood

ganacsiyo ku lahaa agagaarka halka uu qaruxu ka dhacay, iyo kuwo wadada marayey, waxaana soo abaabulay dhagar qabayaal u adeega cadowga Soomaaliyeed”

Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dadkii ehelkooda iyo qaraabadoodu ay ku geeriyoodeen qaraxaas isagoona ilaahay uga baryey inuu u booga dhayo kuwii dhaawacyadu ka soo gaareen.

 

Abdi Jamac

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>