Garowe(pp) Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ka mid ah musharaxiinta ka hor yimi guddiga xalinta khilaafaadka iyo asnixinta xildhibaanada ee uu dhowaan soo magacaabay madaxwayne Cabdi-Raxmaan Farole ayaa sheegay inuu hayo warqado cadaynaya in musharaxiintii 2009-xilka u tartamayay xilkaasi ay kusoo magacaabayaan qaybta ay ku lee yihiin guddigaasi.
”Aniga iyo madaxwaynaha waxaanu ahayn murashaxiintii galay doorashadii 2009-kii,qoraaladii isaga iyo aniga aanu wada samaynay oo uu lee yahay madaxwaynuhu xaq uma leh inuu kaligiis magacaabo guddiga doorashada ayaanu haynaa,waana soo bandhigi doonaa warqadaasi,sidoo kale waxaanu ku magacownay guddiga doorashada inta aanu ku lee nahay”Maxamed Cabdinuur ayaa sidasi yiri.
Waxa uu sheegay Maxamed Cabdinuur qof kasta oo Puntland kasoo jeeda inuu xaq u lee yahay inuu talada wax ku yeesho,si loo wada gaaro wax wada qabsi ku salaysan cadaalad.
Murashaxiinta ayaa ku doodaya inuusan sharci ahayn in madaxwaynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Farole uu kaligiis guddigaasi soo magcaabo,isla markasna uu ka mid ahaa raggii 2009-ka ku cadaadiyay madaxwayne Cadde inuu qayb ka siiyo guddiga musharaxiinta.
Madaxwaynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Farole oo ka hadlayay guddiga ayaa sheegay inaysan ahayn arrin maanta la bilaabay,balse lagu soo dhaqmayay labadii doorashada ee tan soo socota ka horeeyay.
Hase yeeshee madaxwaynihii hore ee Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi ayaa sheegay inuusan kaligiis soo magacaabin guddiga doorashada balse ragg ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Farole,Nuuradiin Aadan iyo Maxamed Cabdinuur ay u ordayeen inay qayb ku lahaadaan soo magacaabista guddiga.
Maadama ay guddiga xalinta khilaafaadka ay ka hor yimaadeen dhamaan murashaxiinta Puntland,walina aan la xalin arrintaasi doorashaduna ay soo dhowdahay ayaan la aqoon xaaladu siday noqon doono,waxana magalada Garowe kusoo qul-qulaya ragga xilka Puntland u tartamaya.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe