Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Garowe:Jubbaland oo boqol kun iyo saddex boqol oo doolar ugu deeqay Qoysaskii ku cayroobay PL(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Mamulka Jubba iyo shacabkeeda oo isku duuban ayaa gurmad lagu samato-bixinayo qoysaskii ay saamaynta kasoo gaartay duufaantii bishii dhamaatay ka dhacday deegaano ka tirsan soo gaarsiiyeen culimadda iyo masuuliyiinta dowladda Puntland.

Boqol kun iyo saddex boqal oo doolar ayay Reer Jubbaland ugu tabax-ruceen qoysaska ku cayroobay duufaantii dhacday,waxayna sheegeen inay taageeri doonan walaalahooda ku dhibaataysan deegaanadda Puntland.

Kulan saxaafadda loogu soo bandhigayo deeqda Jubbaland ka timi iyo kuwo kale oo ay dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku maqani ay soo direen ayaa lagu soo bandhigay hoolka shirarka wasaaradda arrimaha gudaha,waxana kasoo qayb galay oo ka hadlay Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo madax u ah guddiga culimadda ee taakulaynta dadka ku cayroobay duufaanta iyo waliba masuuliyiin dowladda ka socda.

Ugu horayntii Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay dowladda,culimadda iyo shacabka reer Puntland oo isku duuban inay uga mahad celinayaan gargaarkii ay Jubbaland usoo fidisay qoysaskii wax ku noqday duufaantii bishii hore ka dhacday deegaano ka tirsan Puntland.

Waxa uu Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf uu sheegay inay qayb ka tahay dadaalada loogu jiro bad baadinta qoysaska tabaalaysan ee u baahan in loo gurmado,wuxuna sheegay dhaqaalaha kasoo gaaray Reer Jubbaland inay ku shubeen meelihii loogu talo galay si xoolo loogu gado.

Sidoo kale waxaa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Shiikh Axmed Yuusuf DAAD oo alle uga baryay inuu ka abaal mariyo shacabka iyo masuuliyiintooda oo ka qayb galay gurmadka lagu bad baadinayo qoysaska cayroobay,wuxuna tilmaamay inay dhamaan farxad galisay doorka ay Jubbalad qaadatay.

Shiikh Daad ayaa sidoo kale saxaafada usoo bandhigay lacago ay soo gaarsiiyeen dad Soomaaliyeed oo dalka iyo dibada kala jooga,kuwaasoo dhexda u xirtay inay walaalahooda dhibaataysan soo caawiyaan.

Wasiirka deegaanka iyo duurjoogta Puntland Cabdiqani Yuusuf Cadde ayaa sheegay inay tahay deeqdii ugu balaarnayn ee kasoo gaarta dalka gudihiisa iyo waliba dibasiisa,maadama ay dadka Jubbaland isku xil-qaameen inay lacagta intaasi leeg iska soo aruuriyaan.

Wali waxaa socda qorshaha qoysaska cayroobay lagu caawinayo,waxana la gudo galay wajiga labaad oo ah sidii loo xoolayn lahaa qoysaskaaasi oo ay nolashooda ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha.

1:Shacabka,Ganacsatada dowladda Jubba ee magalada Kismaayo lacag dhan $100.300.
2:Samiiro  Jaamac Muuse -Swedan lacag dhan $317.
3:Shamso Xaaji Maxamuud  -London  lacag dhan $1470.
4:Maryan Xayle -London lacag dhan $526.
5:Golis xarunteeda Garowe lacag dhan-$1500.
6:Xadiyo Cabdiraxmaan Jaamac $106.
7:Axmed Maxamed Cabdilaahi :$200.
8:Musliminta UK islongh $2350.
9:Aadan Deeq USA $2599.
10:Jaaliyadda Sucuudiga ee Damam Wakiil Cegaag waxaa laga soo aruuriyay saddex qof $825.
11:Linkping Sweden Jaaliyada Soomaaliyeed waxay soo dirtay $8200.
12:Siciid Cali Garaase USA $650.
13:Maxamed Cabdi  Maxamuud.Gabdhaha Masaajidka Admintn ee UK.$2200.
14:Cabdikariin Jaamac Warsame Oslo-Norwey  $711.
15:Sweden magalada Toksho $6417.lacagtaasi waxaa culimadda soo gaarsiiyay Shiikh Cabdiqaadir Farnuug,Shiikh Xuseen Cabdi Aadan,Shiikh Axmed Cabdi Cusman.Shiikh Maxamed Xaashi.Ibraahim Aadan.
1 2 3 4 5- 6-
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>