Bosaaso(pp) Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi Dhagawayne oo ka mid ah ragga u taagan xilka madaxwayne-nimo ee Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magalada Bosaaso,ka dib socdaal uu kasoo bilaabay magalada Garowe.
Soo dhawaynta murashax Maxamed Cabdinuur ee magalada Bosaaso waxaa ka qayb galay Wax-garad,siyaasiyiin,haween,dhalinyaro iyo dadwayne kale oo taageersan siyaasadiisa kuwaasoo watay boorar ay ku sawiran yihiin muuqaalkiisa,waxayna uga hortageen meel 10km duleedka Bosaaso.
Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa mahadceliyay dadweynihii soo dhaweeyay,waxaana sheegay in Bosaso ay tahay magaaladiisii, isla markasna ku qanacsan yahay habka loogu soo dhaweeyay.
“ Ma heli karo waxaa ku cabiro, Farxadayda saaka aan Bosaso ku soo galay, Kalmaad Soomaali ah oo aan ku cabiro waa igu adag tahay, Waxaan u soo jeedinayaa Bosaso, Rag iyo dumar, Caruur iyo Ciroole Mahad ballaaran sida wanaagsan ee taageerada ah, ee kalgacalka ah, ee Walaaltinimad ah ee ay ii soo dhaweeyeen aad iyo aad baan uga mahadcelinaynaa waa magaaladayadii, Waanu ogayn in la nagu soo dhawaynayo”
Waxa uu inta uu jooga Murashax Maxamed magalada Bosaaso uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalada Bosaaso.
21-bishii Novermber ayuu magalada Garowe kaga dhawaaqay murashax-nimadiisa.
Puntlandpost.com
Xafiiska Boosaaso