Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MUQDISHO: Jarmalka iyo Masar oo Safiiro cusub u soo magaacabay Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.

Mar uu Madaxweynaha la hadlayay Safiirka Jarmalka ayuu u sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyay xiriir dheer oo wanaagsan. “ Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan tababar heer-sare ah.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

“Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay. Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyadda Yurub anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska.” Madaxweynaha ayaa markii u la kulmay Safiirka Masar wuxuu kala hadlay xiriirka taarikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal. “Labadeena dal waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray.

Dowladda Soomaaliya wey kusoo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed.” Ugu danbeyn, madaama aminga dalka Soomaalia u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka,dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya in ay dib usoo celiyaan.

 

Xafiiska Madaxweynaha DF


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>