Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Wafdi Qatar ka socda oo maanta soo gaaray magalada Garowe(Sawirro&Dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Wafdi ka socda isku taga Hay’addaha ku midoobay caawinta dadka saamayntu ku yeeshay masiibooyinkii ka dhacay Puntland iyo dalka Filipiin ee Wadanka Qatar ayaa galabta soo gaaray magalada Garowe xarunta dowladda Puntland,waxana hoggaaminaya Maxamed Mubaarag Al-Cadasani oo ka mid ah masuuliyiinta Hay’adda Qatar Charity.
9Wafdigaan Qatar ka socday waxaa garoonka diyaaradaha magalada Garowe kusoo dhaweeyay masuuliyiinta dowladda,saraakiil ka socda Hay’adda Tadaamun iyo culimadda Puntland,kuwaaso u muujiyay inay ku faraxsan yihiin qaabka wanaagsan oo ay dowladda Qatar ugu muujisay inay ka xun tahay duufaantii bishii hore ka dhacday deegaano ka tirsan Puntland.

8Markii ay garoonka kasoo dageen ayay saxaafadda la hadleen Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdilaahi Warsame iyo Maxamed Mubaarag oo wakiil ka ah hay’addaha ku midoobay caawinta qoysaska cayroobay.

21Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdilaahi ayaa sheegay dowladda Qatar iyo shacabkeeda inay uga mahad celinayaan sida wanaagsan ee ay usoo caawiyeen walaalahooda ku cayroobay duufaantii dhacday,wuxuna sheegay xili kasta inay xushmad gaar ah hayaan dowladda Qatar oo ah dalalka sida gaarka ah u taageera wadankeena Somalia.

 

18Maxamed Mubaarag Al-Cadasani oo ku hadlayay afka shacabka Qatar iyo dowladda ayaa marka hore uga tacsiyeeyay Puntland  masiibadii ku dhacday kumanaan qoys oo reer guuraa ah,kuwaasoo ku xoolo iyo naf beelay duufaantii dhacday,wuxuna sheegay imaatinkiisa Puntland inuu salka ku hayo qiimayn rasmiya oo lagu soo sameeyo qoysaska tabaalaysan iyo ka qayb galka gargaar deg deg ah oo horay shacabka Qadar usoo gaarsiiyeen qoysaska oo hadda ku diyaarsan magalada Dongorayo ee Gobalka Nugaal.

Waxa uu sheegay masuulkaasi inta uu jooga magalada Garowe inuu tagi doono deegaanadii ay masiibadu ka dhacday ee Puntland,waxana sidoo kale gurmadka ay shacabka Qatar soo gaarsiiyeen qoysaska cayroobay u fududeeyay masuuliyiinta Hay’adda Tadaamun oo garab taagnaa tan iyo intii ay gurmadka bilaabeen.

 

Kulan soo dhawaynta ah ayaa wafdigaasi loogu qabtay Hotelka Rugsan waxana kasoo qayb galay inta badan masuuliyiinta dowladda Puntland.

1 2 3 4 5 6 7  9 10 11 12 13 14 15 16 17 19   232220

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>