Garowe(pp) Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ka mid ah ragga u taagan doorashada xafiiska madaxwaynaha Puntland 8-Janaayo ee 2014-ka ayaa soo dhaweeyey go’aankii uu Madaxwayne Cabdi-Raxmaan Farole ku taageeray la kulanka murashaxiinta si loosoo afjaro khilaafka ka taagan guddiga xalinta khilaafaadka.
Maxamed Cabdinuur iyo murashaxiin kale oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa isimadda iyo dadka wax ku oolka ah ugu baaqay inay soo dhex galaan arrinta taagan ee u baahan in la dhameeyo,wuxuna madaxwaynaha Puntland ka codsaday inuu kala soo qayb galo kulan murshaxiinta ay maalinka Sabtida ah ku yeelan doonan xarunta PDRC.
Murashax Maxamed Cabdinuur oo boggiisa uu ku lee yahay Facebook kusoo daabacay soo dhawanta hadalka madaxwayne Farole ayaa sheegay inay muhiim tahay in si fadhi ah lagu dhameeyo khilaafka taagan.
Waxa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii umadda reer Puntland loo gaarsiin lahaa himilooyinka ay tiigsanayaan,haddii madaxwayne loo doortanaa uu wax wayn u qaban doono shacabka dal udug.
Xigasho-https://www.facebook.com/Siyaasi.Mohamed
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe