Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo:Mamulka Jubba oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo baxay Aadan Madoobe

$
0
0

Kismaayo(pp) Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa si wayn Koonfurta Somalia looga hadal hayay dhismaha mamulka Koonfur galbeed oo lix gobal ka kooban,kaasoo siyaabo kala duwan reer Jubbaland iyo Reer Baay uga kala hadleen.

FartaagMadaxwayne ku xigeenka kowaad ee mamulka KMG ah ee Jubba Gen.Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo saxafada kula hadlayay magalada Kismaayo ayaa sheegay hadalkii dhowaan kasoo baxay Siyaasi Aadan Madoobe inuu yahay mid aan munaasib ahayn,sidaasi darteedna looga baahan yahay shirka Baydhabo ka socda in marka hore lagu dhiso mamulka Saddex Gobal ka kooban,ka dibna laga wada hadlo in labada mamul la isku daro.

Odayaasha shirkaasi goobjooga ka ah ayaa mar sii horaysay ku tilmaamay jiritaanka mamulka Jubba iyo aqoonsiga dowladda federaalka ahi ay siisay inuu yahay mid sharci daro ah sidaasi darteedna ay kasoo horjeedaan,waxayna dowladda ugu baaqeen inay taageeraan kan Baydhabo hadda lagu dhisayo ee lixda Gobal ka kooban,waxaase arrintaasi ka hadlay mamulka Jubba oo ku tilmaamay inay tahay arrin riyo ah oo lagu doonayo in looga hor yimaado mamulka dhisan.

Afhayeenka baarlamanka Somalia Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kulan ka dhacay Baydhabo ka qayb galay dhamaadkiisii ayaa teegaaray qoraal kasoo baxay oo lagu sheegay in looga soo horjeedo wada hadalkii dowladda iyo mamulka Jubba ku dhexmaray magalada Addis ababa,ayna ku qanacsan yihiin in mamulka koonfur galbeed la taageero,kaasoo ka hor imaanaya heshiiskii horay loo wada gaaray.

Siyaasiyiin Gobalka Baay kasoo jeede oo qaarkood baarlamaanka ka mid ah ayaa dabada ka riixaya in khilaaf hor leh laga dhex abuuro dowladda iyo mamulka Jubba oo meel iska dhigay dhamaan arrimihii la isku hayay.

Lama yaqaan siday xaaladu noqon doonto maadama Shirka Baydhabo uu sheegay inuusan aqoon sanayn jiriraanka mamulka Jubba,mamulka Jubbana uu dhankiisa arrintaasi ka biyo diiday.

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>