Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:150-arday oo ka qalin jabisay Mac’hadka Dr.Axmed College(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Mac’hadka hormarinta arrimaha bulshada ee Dr.Axmed College  ayaa waxaa maanta ka qalin jabiyay arday gaaraysa 150-arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho.

Ardayda qalin jabisay ayaa mudo hal sano ah waxaa la barayay labada maado ee kala ah hormarinta arrimaha bulshada iyo cilmiga Sayniska,waxana munaasibad shihaadooyinka lagu gudoonsiinayay oo ka dhacday hoolka shirarka Jaamacadda Barifa Africa kasoo qayb galay masuuliyiin dowladda ka socda,mamulka macadka iyo waalidiin.

Mamulaha mac’hadka Dr.Axmed College mudane Axmed Diiriye oo xaflada ka hadlayay ayaa sheegay ahmiyadda ay waxbarashu lee dahay,wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii dhalinyaradda looga dhisi lahaa dhanka aqoonta iyo waliba la jaan-qaadka duniadda hormartay,wuxuna ku dhiirigaliyay inaysan ka niyad jabin waxbrashada oo ay har iyo habeen u taagnaadeen sidii ay naftooda iyo tan dadkooda u hormarin lahaayeen.

Qaar ka mid ardaydkii qalin jabisay oo goobta munaasibada ka hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin shihaada ay qaateen,waxayna balan qaadeen inaysan halkaas uga hari doonan waxbarashada inay sii wadaan mooyaane.

Wasiiru dowlaha mamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa ardayda qalin jabisay kula dar-daarmay inay u qalab qaataan sidii heer wanaagsan waxbarashada looga gaari lahaa,wuxuna ku tilmaamay inay yihiin mustaqbalka dalka sidaasi darteed loo baahan yahay inta la yar yahay in aqoonta iyo garaadka la iska dhiso.

Mamulka macadka iyo wasiir Gaashaan ayaa ardayda gudoon siiyay shihaadooyinka qalin jabinta,waxana dhamaan ardayda dareenkooda laga dheehan karay farxad iyo ray-rayn.
1 2 3 4 5 7 8 9 10 11 12 13 14 15
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles