Muqdisho(pp) Wararka aanu ka helayno madaxtooyadda Somalia ayaa sheegaya madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqi doono ra’iisulwasaraha dalka,taasoo mudooyinkii ugu danbeeyay la tashiyo ka samaynayay.
Waxaa si wayn loo hadal hayaa inuu Ra’iisulwasaraha Somalia noqonaya Cabdiweli Shiikh Maxamuud oo cilmiga dhaqaalaha bartay,xilal kala duwana kasoo qabtay bankiga islaanka iyo kan Somalia,masuulkaasi ayaa la sheegayaa inay isku dhow yihiin kooxda la yiraahdo Damul-jadiid oo hareeyay garbaha madaxwaynaha Somalia.
Sidoo kale waxaa la hadal hayaa oo la sheegayaa inay safka hore ku jiraan Xuseen Cabdi Xalane,Daauud Maxamed Cumar oo soo noqday wasiirka qorshaynta Puntland,balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in loo badinayo Cabdiwali oo ay isku dhow yihiin ra’iisulwasaarihii hore ee Cabdi Faarax Shirdoon.
Qaybaha kala duwan ee warbaahinta Muqdisho ka howlgasha ayaa galabta looga yeeray xafiiska madaxwaynaha,waxana lagu wadaa inuu galabta ama bari oo Jimce ku dhawaaqo Ra’iisulwasaraha Somalia.
Wixii kusoo kordha kala soco Puntlandpost.com
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho