Garowe(pp) Wasiirka amniga dowladda Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta difaacay xukumadda Cabdi-Raxmaan Farole,wuxuna ku tilmaamay inuu yahay madaxwayne dadkii wax u qabtay ee mudan in la ammaano.
”Madaxwayne Cabdi-Raxmaan markii ay dadkiis is-laayeen oo dhiigu dhex yeelay waa ninkii dhex tagay oo dhex seexday oo nabadda ugu baaqay weeye,maalintii ay dhibaatadu ka dhacday Gobalka Nugaal waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee yimi,dadkiisa waxbuu u qabtay allaha ka abaal mariyee” Khaliif Ciise Mudan.
Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay qaar ka mid ah dadka kasoo horjeeda waxqabadka xukumadda ayuu sheegay inay ceeb ku tahay oo ay mudan tahay in la amaano qofka wax qabtay,wuxuna sheegay madaxwaynaha iyo xukumadiisa inay laami ka dageen.
Hadalkaan ayuu Khaliif Ciise ka sheegay munaasibad xoolo loogu qaybinayay qoysaskii ku cayroobay roobabkii duufaanta watay ee Gobalka Nugaal ka da’ay bil ka hor.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe