Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee wariayayaasha caalamka lagu dilo, kaaga darane haddana aan gadaal loo raacin oo aan waliba la isa sii waydiin, allaylehe maalinka ay dhinteen todobaad ka dib waan xasuusnaanaa un, waan canbaaraynaynaana waaan dhahnaa balse wax dheer ma jiraan.
Haddana aan kuugu daree ogoow caalamka markii al eego Soomaaliya ma ahan wadanka kaliya ama ugu xun ee wariyayaasha lagu dhibaateeyo balse kala duwanaanshaha wadamada kale iyo Soomaaliya gadaal ayan kaaga sheegi doonaa, garashadayda.
Maxaa lagu dilaa wariyayaasha Soomaaliya?
Way mudan yihin saxaiibadii naga dhintay inaan rabbi naxariis u waydiino, inaan markasta xasuusnaano, inaan maskaxda ku hayno in ay mar un heli doonaan cadaalad kiisaskoodii lagu qaado, balse anigu waxaan ku jiraa dad badan oo aaminsan in dilalka wariyayaashu ay iyaga qayb ka yihin, waana aan kuu sababaynayaa.
Waxaa baaba`ay, oo lumay ilaalintii anshaxa saxafadda, waxaa badatay laaluush qaadashadii, waxaa batay isku dhex yaacii qabyaaladda iyo wariyanimada, waxaa batay mid dantiisa un ama tab qabiilkiisa doonaya inuu soo saaro oo idaacad ama warbaahin kale furtay, taasi waxay keentay inay bataan cadawga wariyayaasha.
Dadka badan marka ay maqlaan hebel waa wariye, waxaa sanadahaan danbe ku soo dhacaya alla armaa la dilaa, oo waxaanbe anigu marag u ahay dhawr qof oo xilligii dilalka badani dhacayeen igula taliyay inaan saxaafadda iska daayo, iyagoo u arka in magaca wariye, haddana gudaha dalka jooga uu yahay geeri suge.
Maxaynu kaga duwannahay dilalka wariyayaasha wadamada kale.
Ogsoonoow in Soomaaliya aysan ahayn meesha ugu daran ee wariye uu ka shaqeeyo, bal eeg wariyaha Maxico jooga ee aan magaciisa ku shaqaysan karin, bal eeg wariyaha jooga Falastiin ee Xamaas, Fatax, Isra`iil iyo kuwo ka badanba ay cadaw u yihiin, bal ee wariyaha jooga Ruushka ee aan xorriyadda u shaqaysan karin, bal fiirin kan kuu dhow ee jooga Ugandhad
an aynu isku dhownahay ee aysan xorriyadda saxafadeed ka jirin, laakin maxaan dheernahay, bal inta aanan kuu sheegin waxa aan dheernahay bal ila yara eeg wariyayaashaan la dilay iyo jawaabihii laga bixiyay:-
1. 1976 kii, suxufi lagu magacaabo Don Bolles ayaa lagu dilay qarax baabuur isaga oo baadhaya musuqmaasuq iyo dilala habaysan oo ka dhacay Arizona, Maraykanka ka tirasan. Suxufiyiintii kale waxay bilaabeen mashruuc ay ku sii wadayaan baadhitaankiisa, kaasoo isku keenay 38 suxufi oo ka kala socda 28 jaraaid iyo xarumo TV oo ka jira Maraykan kuwaas oo dhamaantood tagay Arizona si ay u baadhaan musuqmaasuqa halkaas ka jira. Waxa ay natiijadii noqotay baadhitaan socday shan bilood taas oo keentay 23 qaybood musalsal ka kooban oo ku soo baxa jaraaidada iyo TVyada iyaga oo daaha ka qaadaya Arizona gangsters iyo madaxda musuqa badan ee caawiya. Taasi waxa ay fariin cad u dirtay dadkii dilay Don Bolles: waad aamusiin kartaa suxufi laakiin ma dili kartin warbixinta.
2. 1986 kii, soo saare jaraa’di iyo waliba tafatire Guillermo Cano ayaa lagu dilay Kolombia, mid ka mid ah weeraradii ugu ba’anaa ee lagu qaado xarumaha saxaafada ee ka warami jiray dadka mukhaadaraadka dhoofiya. Jawaabtii celintii, waxa uu gacan saar a yeeshay kuwii loolanka kula jiray iyo saxaadad kale si loo diyaariyo baadhid qoto dheer oo ku saabsan dhoofinta mukhaadaraadka ee Kolombia.
3.Brazil dhexdeeda, Ururka Saxaafada Waxbaadha ayaa laga aasaasay 2002 dii kadib markaa la afduubay ee la dilay suxufigii TVga Tim Lopes. Kadibna, ururkii waxa uu noqdan mid firfircoon oo cadaadis saara dawlada si ay u baadho oo ay u ciqaab ugu rido weerarada lala beegasanayo suxufiyiinta.
Haddaba annaga marka aan ka hadalno xaaladda dalkeenna wariyayaasheennu ma u dhintaan iyaga oo musuqmaasuq daba socda? Ma u dhintaan iyaga oo baaraya tacaddi la sameeyay? Ma u dhintaan iyaga oo danta shacabka ka shaqaynaya, Laga yaabee inay kugu soo dhacdo “Haa qaarkood” Laakin haddanba kuu raaco middaas, ma jirtaa wariye inta uu dhintay shaqadii uu waday oo aan ahayn in la daboolo jadwalkiisii wariye kale uu isku xilsaaray inuu sii dhamaystiro, Malahayga Maya.
Haddaba maxaa nala gudboon?
Waxaa hubaal ah in wariyaha Soomaaliya jooga oo khatar badan ku jiro, cadaw badan leeyahay oo waliba aan shabaab kaliya ahayn balse ay ka badan yihin, waxaanse anigu oran lahaa, aynu dhimanne bal anagoo danta shacabka ka shaqaynayna aan dhimanno, bal aan dhimanee aan dhibaatada bulshadeenna haysata ka hadalno, Bal aan dhimannee aannu ku salayno shaqadeenna inaan shacabka dhibtooda ka hor tagno, waxaan qoraalkaygan ku soo xirayaa oraah u wariye Maxamed Aadan Teerra ka yiri xus lo sameeyay rabbi ha u naxariistee Wariye Timacadde oo ahaa wariyihii ugu danbeeyay ee la dilo, taasoo ahayd:-
“War haddaynu wariyayaal nahay waxaynu ku daalnay inaan siyaasi soo saarno, waxna waa uu na tari waayaye, aan u soo jeesano inaan shacabka soo saarno iyagaa na difaacayee”
Mahad Jama Koronto
abbas688@hotmail.com