Bosaso(pp) Dr.Saadiq Eenow oo ka mid ah ragga isku soo taagay madaxtinimadda xafiika madaxtooyadda Puntland ayaa maantey kasoo dagay garoonka diyaaradaha Bandarqaasim ee magalada Bosaaso.
Dad-wayne taageero u haya siyaasadiisa ayaa murashaxa uga hortagay garoonka diyaaradaha,waxayna siteen boorar ay ku sawiran yihiin muuqaalkiisa iyo calanka Puntland.
Dadka soo dhaweeyay isagoo la hadlaya ayuu Dr.Eenow sheegay inuu soo dhisi doono dowladda caadil ah oo dadku ay jecel yihiin,wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii shacabka Soomaaliyeed ee Puntland ku nool wax loogu qaban lahaa,wuxuna u mahadceliyay soo dhawaynta dadka u sameeyay.
Eenow ayaa ka mid ah Aqoon-yahamiinta Puntland,wuxuna kolkii hore dhidhibada u taagan ururkii Midnimo oo ka mid ahaa kuwii ka qayn galay nidaamka axsaabta badan ee hadda la hakiyay,ka dib markii ay shaqaaqooyin ay ka dhaceen Gaalkacyo iyo Qardho.
Dhowr jeer oo hore ayuu Saadiq Eenow sheegay inay ka go’an tahay sidii shacabka dal udug loo gaarsiin lahaa addeegyo kaafiya nolashooda,isla markasna lagu wada qanacsan yahay,wuxuna kulamo la samayn doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada Gobalka Bari,ka dibna waxa uu usoo socdaalayaa magalada Qardho iyo Garowe.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso