Garowe(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta xariga ka jaray Tv-gudaha kaliya ka shaqayn doono oo ay yeelatay xukumadda,kaasoo howshiisa mudo badan laga soo shaqaynayay.
Munaasibadda uu xariga uga jarayay Farole Tv-gan gudaha ku kooban ayaa waxaa ka qayb galay gollaha wasiiradda,mamulka warbaahinta dowladda iyo masuuliyiin kale,wuxuna sheegay madaxwayne CabdiRaxmaan inay wax badan ka badali doono baahida ay shacabka ku nool deeganadda Puntland u qabeen ogaanshaha waxqabadka dowladda.
Waxa uu sheegay Farole hadda inuu gaaraya boqol kiilo mitir Tv-gu,balse uu u baahan yahay in boqolkii km-ba laga taago anteeno u gaar ah.
Agaasimaha guud ee warbaahinta Dowladda Mudane Axmed Maxamed Cali”Kismaayo” ayaa tafaashiil dheeraad ah ka bixiyay habka uu Tv-gaan u shaqaynayo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe
Cali Cabdi Ducaale