Muqdisho(pp) Taliyaha cusub ee howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa maanta si toos ah ugala wareegay xilka taliyihii hore ee AMISOM Jeneraal Andrew Gutti,ka dib xaflad ka dhacday xarunta Xalane ee magalada Muqdisho.
Munaasibada waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda QM,EU,dowladda Somalia iyo dalka Burundi,waxana laga soo sheediyay hadalo guubaabo ah oo u badan in lasii labo laabo la-dagalanka kooxda alshabab.
Taliyihii hore ee howlgalka AMISOM Jeneraal Andrew Gutti ayaa sheegay inay guul wayn ka gaareen la-dagalanka kooxda shabab,hadana ay harsan yihiin in lasoo dhamaystiro inta yar ee ka harsan.
Taliyaha cusub ee xilka la wareegay oo la yiraahdo Jeneraal Silas Ntigurirwa ayaa marka hore u mahad celiyay kii isaga ka horeeyay,wuxuna sheegay inuu masuuliyad ballaaran iska saari doono sidii dalka looga sifayn lahaa kooxda alshabab.
Ergayga gaarka ah ee QM Somalia iyo kan Africa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii Somalia nabad loogu soo dabaali lahaa,loogana cirib tiri lahaa kooxda alshabab.
Wasiirka difaaca Somalia C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa u mahad celiyay howlgalka AMISOM ee ay Somalia ka wadaan,wuxuna sheegay inay wax muuqda dhanka amniga ka qabteen.
Waa taliyihii afaraad ee howlgalka AMISOM tan iyo markii ay ciidanka nabad ilaalinta gudaha Somalia soo galeen 2007-dii.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho