Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo:Wafdi ka socda QM oo gaaray magalada Kismaayo

$
0
0

Kismaayo(pp) Madaxa isku duwaha arrimaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Kismaayo xarunta mamulka Jubba.

Masuuliyiinta mamulka KMG ah ee Jubba ayaa garoonka diyaaradaha magalada kusoo wayeeyay wafdiga uu horkacayo Lazzarini waxana ay kulan ku qaateen labada dhinac aqalka madaxtooyadda.

Labada dhinac ayaa ka wada xaajooday suurta galinimadda dib usoo celinta dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalka Kenya gaar ahaan Xeradda Dhabaab iyo sidii loo dajin lahaa magaalooyinka Kismaayo,Dhoobley,iyo Luuq oo ay dhamaantood ka taliso mamulka Jubba.

Philippe Lazzarini, oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay kulanka uu la qaatay maadaxda Jubba inuu ahaa mid si wanaagsan kusoo dhamaaday isla markasna la isla meel dhigay wajiga hore qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya.

Mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa tilmaamay inay soo dhoweynayaan qaxootiga ku soo laabanaya dalkooda, iyagoo ka codsaday Qaramada Midoobay inay gacan ka geysato sidii dib u dejin iyo daryeel ay u heli lahaayeen kuwa soo laabanaya iyo kuwa ku barakacay dalka gudihiisa.

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>