Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo:Mamulka Jubba oo ku mashquulsan dhamaystirka xubnaha wali maqan(Dhagayso)

$
0
0

Kismaayo(pp) Masuuliyiinta mamulka KMG ah ee Jubba ayaa wali ku mashquulsan soo dhamaystirka xubnaha wali ka maqan mamulka,taasoo si wayn looga hadal hayo magalada Kismaayo.

Fartaag-450x342Madaxwayne ku xigeenka kowaad ee Jubba Gen.Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay dhowaan in lagu rajo wayn yahay in lasoo dhamaystiro xubnaha wali harsan,waxana Kismaayo ka maqan madaxwaynaha Jubba oo safaro ku marayay dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Dhanka kale waraysiga uu bixiyay Fartaag ayaa sidoo kale wax looga waydiiyay ammaanka magalada Kismaayo iyo dilalka kusoo kordhaya xaafadaha qaar oo aan ilaa iyo hada waxba laga qaban,wuxuna sheegay inay xooga saari doonan sidii loola diri lahaa kooxaha caadaysay inay shacabka si qarsoodi ah u gumaadaan.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidanka mamulka Jubba magalada Kismaayo laga saaray,amnigana masuul looga dhigay ciidan kale oo tababaran,balse waxaa soo badanaysa dilal arxan-daro ah oo xaafadaha qaar laga fulinayo.

Sidoo kale magalada Kismaayo ayaa laga hadal hayaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya deegaanadoodii,iyadoona Kismaayo ay ka mid tahay meelaha loo calaamadiyay marka hore in la dajiyo.

 

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>