Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaaso:Maalinta muhaajiriinta caalamka oo Bosaaso laga xusay(Sawirro)

$
0
0

Bosaaso(pp) Hay’addaha ka shaqeeya ka hortaga muhaajirnimadda iyo falalka la xariira daabulka dadka ayaa maanta Bosaso ku xusay maalinta muhaajiriinta caalamka oo sanad kasta la xuso 18-ka bishaan oo kale.

648x365x728.jpg.pagespeed.ic.mbiMqBLLboMasuuliyiin ka socda mamulka degmada Bosaaso,iyo saraakiil ka socda UNHCR,IOM iyo Qowmiyadda Oradda ayaa xuskaasi kasoo qayb galay,waxana laga soo jeediyay khudbada kala duwan oo diirrada saaraya sidii looga hortagi lahaa socdaalka dhibaatadda wata ee ay sameeyaan dadka Soomaaliyeed iyo dalalka darisna nala ah.

648x365x1515.jpg.pagespeed.ic.JXwrKh2kHkWaxaa xuska laga sheegay inay tahay arin fool xun in la isku aamino wado aan la aqoon waxa kaa horeeya iyo siday u egtahay,waxana laga codsaday dadka ku shaqaysta falalkaasi iyo dadka la tahriibinayo inay qorshahaasi ka laabtaan oo ay dib ula jaanqaadaan dadkooda iyo dalalkooda.

648x365x1129.jpg.pagespeed.ic.9_HnbxnJjhDadka tahriiba ayaa dhibaatooyin kala duwan la kulma inta ay safarkooda ku jiraan,waxana ka mid ah dilal dhac,kufsi iyo in si sharci daro ah loogu shaqaysto.
648x365x1811.jpg.pagespeed.ic.do4bktkA6QFanaaniin xuska kasoo qayb galay ayaa soo bandhigay riwaayad ka hadlaysa silaca iyo dhibka laga mutaysto socdaalka tahriibta,sidaasi darteedna loo baahan yahay in laga waan toobo.

648x365x367.jpg.pagespeed.ic.3J73GtAJRYAgaasimaha guud ee Wasaaradda amniga Puntland Cawad Xuseen Cali oo munaasbada gabagabadeedii hadal kasoo Jeediyey ayaa sheegay in dowladda Puntland marar badan dadkaas naftooda khatarta gelinaya u sameysay wacyigelin ,wuxuuna intaas ku daray in dadkaas Muhaajiriinta ah dhici karto in ay kusoo dhex dhuuntaan dad dhibaato soo geysyay ama geysanayaba taasina dowladdu ka feejigantahay.

648x365x287.jpg.pagespeed.ic.sKhZgIKOVnLabadii sano ee ugu danbeeyay dalka waxaa ka tahriibay dhalinyaro aad u faro badan oo qaarkood ku geeriyooday intay socdaalka ku guda-jireen,inkastoo uusan yarayn dadaalka ay dowladdu wada,hadana waxaa muuqda inay wali socota falalka tahriibta.

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>