Hay,adda xuquuqda aadnaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartey ku dhaleeceysay ciidanka Dowlada Federaalka ee Muqdisho oo ay ku tilmaamtey in aysan wali joojin falalka ka dhanka ah bini,aadamnimada.
Warbixinta hay,adda ayaa lagu sheegey in wali ay halkoodii kasii soconayaan dhibaateynta barakacayaasha uga imaanaya kooxo ka tirsan ciidamada oo kaashanaya maamulayaasha xeryaha , ilaalada albaabka taagan iyo gudoomiyayaasha kaamamkaasi. HRW waxay sheegtey in ay ka mid yihiin dhibaatooyinka lagu hayo barakacayaasha muqdisho, Jirdil, Xanibaad dhaqdhaqaaqa ah, Kufsi iyo Dhac loo geysanayo cuntada loogu talo galey.
Warbixintan waxay hay,addu ku sheegtey in ay tahay mid lagu sifeeyey wareysi lala yeeshey 70 ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha muqdisho ku yaal, kuwaas oo warbixinta lagu sheegey in ay cadeeyeen tacadiyo loo geysto lana kulmaan mar walba takoorid dhinaca qabiilka ah.
HRW waxay ku dhaliishey Dowlada DF Somalia in aysan waxba ka qaban sidii wax looga badali lahaa dhacdooyinkan balse dhanka kale warsaxaafadeed laga soo saarey xafiiska Madaxweynaha Dowlada DF Somalia Hasan Shiikh Maxamed ayaa waxba kama jiraan lagu tilmaamey warbixinta HRW.
Warka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo xalay goor danbe warfidiyeenka soo gaarey ayaa lagu yiri ” Human Rights Watch run kama aysan sheegin xaqiiqda dhabtaa ee muqdisho ka jirta iyo guulaha Dowladu ka gaartey ilaalinta amaanka barakacayaasha. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamud ayaa ku sheegey war saxaafadeedkiisa in ay kusoo dhaweeyeen HRW Muqdisho, balse aysan taas micnaheedu uusan ahayn been iyo buun buunin ka sheegto wax-qabadka Dowladiisa.
Warbixinta HRW waxay kusoo beegmaysaa ka dib markii dhawaan xabsiga Muqdisho laga soo daayey haweeney sheegtey in ay kufsadeen rag ka tirsan ciidanka DF Somalia,taasi oo lala xirey markii arrintaas ay warbaahinta ka sheegtey wariye wareysi ka qaadey.
Halkan ka akhri warbixinta Human Rights Watch oo English ah.
http://www.hrw.org/news/2013/03/26/somalia-protect-displaced-people-risk
Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garowe.