Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

KISMAAYO: Is mari waa Siyaasadeed oo lagu kala seexday Caawa ( Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Caawa fiidkii kulan qaatay saacado la isku mari waayey, iyadoo kulankaas lagu kala kacay  , mar kalena lagu balamay beri subaxii  in la isugu yimaado kulanka kama danbaysta ah.

Is mari waa siyaasadeed oo lagu kala seexday..."

Is mari waa siyaasadeed oo lagu kala seexday…”

Dhanka dowlada ayaa la sheegayaa inaysan waxba ka socon waayeen, iyagaoo meesha la fadhiya Hal go’aan oo kaliya oo loo soo dhiibay  , kaas oo sheegaya in iyaga lagu wareejiyo masuuliyada dhaqaalaha, Ciidanka iyo siyaasada intaba oo ay la aadan magaalada Muqdisho, arrinkaas oo ka yaabiyey siyaasiyiinta matasha deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Warar kale oo aan helayno ayaa sheegaya in ay masuuliyiinta dowlada ay isku dayeen in hab beel beel ah ay ula kulmaan dadla deegaanka iyo ergooyinka shirka si ay u kala fur-furaan, arrinkaas oo ay ka soo horjeesteen masuuliyiinta deegaanka , waxaana laga codsaday inay taas bedelkeeda ay kula kulmaan ergooyinka iyo oday dhaqameedka Hoolka shirarka, arrinkaas oo markii jartooda lala fahmay ay isaga gaabsadeen.

Masuul sare oo ay Puntlandpost soo xiganayso ayaa sheegay in Kulanka beri oo ah kan ugu danbeeya uusan wax wanaagsan ka soo baxayn , maadaama raga meesha maraya aysan go’aan gaari karin , isla markaana ay wataan barnaamij looga soo dhiibay Muqdisho oo  aysan  go’aamin karin kaligood.

Sikastaba, shacabka deegaanka iyo siyaasiyiinta deegaanada maamulka dhisanaya ayaa muujiyey isku xirnaan, si aan aan loo kala fur furin, waxayna u badan tahay  in madaxda dowlada Federaalka ay isaga laabtaan magaalada Muqdisho , maadaama aysan la imaan siyaasad hufan oo ay  kor ugu socon karaan , isla markaana ay kusoo jiidan karaan shacabka ka soo jeeda deegaanadan.

Haddii ay dowlada isaga tagto magaalada Kismaayo, iyada oo aan Xal keenin  , waxaa meesha ka baxaysa taageerada ay caalamku u hayaan dowlada hadda jirta  , maadaama iyada lagu soo doortay Federaal ayna ka soo horjeedo maamuladii iyo goboladii  Kalsoonida siiyey dowlada hadda jirta.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Plan A & B ay kala yihiin sidan ama hala is afgarto ama yaan la is afgaran..”"

A) Haddii ay dowlada taageerto barnaamijkii soo socday 3-dii sano la soo dhaafay oo waafaqsan sharciga Federaalka,  in guul laga gaaray siyaasada soomaaliya qayb muhiim ah, halkaasna lagu taagayo maamul la isla waafaqsan yahay oo sharciga federaalka lagu hirgeliyey .

B) Haddii ay dowladu horistaagto barnaajijka , in aan loo hakan oo meeshaa lagu dhamaynayo shirarkii socday,  lagu soo xuli doono Baarlamaanka iyo Madaxweyne iyo dowlad goboleed matasha deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo oo waafaqsan sharciga federaalka , waxaana markaas dowlada qasab ku noqonaysa inay taageerto maamulkaas , maadaama uu ku yimi sharci federaal ah oo shacabkeedu raali ka yahay.

Oraahda maanta, dadka waxgaradka ah ee ku nool magaalada Kismaayo..

Sikastaba, waxaan kusoo xiraynaa warbixinteena mid ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka & fakirka uu aaminsan yahay,,, wuxuuna yiri “Jubbaland waxay xaq & Cadaalad siinaysaa Soomaalida wada degta , waana ka gudubnay Qabiil , waxaana u soconaa maamul Federaal ku dhisan, waxaana doonaynaa in Jubbbaland ay muraayad u noqoto gobolada Koonfureed oo ay ugu horayso Muqdisho oo lagu dhacay laguna bililiqaystay qarankii Soomaaliyeed, Hantidii shacabka Soomaaliyeed,  sidaas daraadeed waxaan ka miday sanahay Maamul loo dhan yahay oo laga taago Jubbaland. ”

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>